Dekadda Magaalada Muqdisho ayaa waxa shalay si toos ah ugu soo xirtay markab u rarnaa ganacsato Soomaali ah, kaas oo ka soo baxay xeebaha dalka Shiinaha.

Maraakiibta ku soo xirata Dakadda Muqdisho ayaa markii hore soo mari jiray dakadaha dalka Imaaraadka iyo meelo kale, balse dadaal ay Sameeyeen ganacsato Soomaaliyeed iyo maamulka Dekadda ayaa suurta-galiyay in markabkaas ka soo shiraacda Shiinuhu uu Muqdisho toos u imaan karo, asagoo aan meelo kale ku hakan.

Advertisement

Arrintan ayaa lagu tilmaamay tillaabo taariikhi ah oo dhinaca hormarka loo qaaday, taas oo fududaynaysa isku gooshidda badeecada Shiinaha iyo Soomaaliya, waxayna mas’uuliyiinta Wasaaradda ganacsiga iyo maamulka dekaddu niyad-wanaag ka muujiyeen in dhowaan la heli doono khadad kale oo isku xira Muqdisho iyo dalalka kale ee Soomaalidu wax ka soo dhoofsato.

Maraakiibta badeecadaha u wada Soomaaliya ayaa horay u soo mari jirey dalal kale, taas oo culays ku ahayd ganacsiga, maadaama mudda alaabahaasi ay ku imaan karaani aad u dheerayd, balse hadda markabka ka soo baxa Shiinaha oo inta badan warshadaha Soomaalidu ku tiirsantahay ay ku yaallaan ayaa wax ka yar 20 maalin Muqdisho ku imaanaya.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here