XIGASHO BBC SOMALI
Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii labaad muddo bil iyo bar ah gudaheed ah sameeyey isku shaandhayn kooban ku sameeyey xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda.
Barre, oo xilka Raysal Wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay bartamihi bishii luuliyo ee sanadkii 2022-kii ayaa ugu yaraan 4 jeer labo sano iyo dheeraad uu xilkaas hayo isku shaandhaayn ku sameeyey golaha wasiirada.
Tii ugu dambaysay oo uu shalay sameeyey ayaa saamaysay wasaaraddo muhiim u ah dalka oo ay ka mid yihiin wasaaradda arimaha dibadda, gaashaandhiga iyo xafiiska Raysal Wasaaraha.
Saddex wasiir ayaa muddadaas isku baddelay wasaaradda gaashaandhigga xilli Soomaaliya ay wajahayso caqabado dhanka ammaanka ah iyo dagaal ay dowladdu kula jirto kooxda al-shabaab.
Sidaas oo kale wasaaradda arrimaha dibadda ayey isku kala baddeleen saddex wasiir iyadoo Soomaaliya ay kaalin muhima ka ciyaarayso diblomaasiyada caalamiga maadaama ay hadda ku fadhido kurisga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, sidaas oo kalana ay ku biirtay ururka Bulshada Bariga Afrika.
Dadka arrimaha ammaanka iyo diplomaasiyada ka faaloda ayaa qaba in isbaddelada badani ay dhaawaci karaan howlaha shaqo ee horyaalla wasaaraddaha.
Muhiimada Wasaaradda gaashandhigga iyo saameynta isbaddellada ku dhacay?
Inta badan waa mid la isku raacsan yahay muhiimada ay dal u leedahay wasaaradda difaaca marka ay timaado arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka cadowga dalkaasi ee gudaha iyo dibadda.
Wasaaradda gaashandhigga ee Soomaaliya oo ah wasaarad ay horyaallaan howlo halbowle u ah dalka ayey xafiiskaasi qabteen saddex wasiir muddo labo sano iyo bar ka badan xukuumada Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa bishii Agoosto ee sanadkii 2022-kii lo magacaabay wasiirka gaashandhigga ee dalka kaas oo xilka hayey ilaa 17-kii Maarso ee sanadkan markaas oo xilka wasaaradda gaashandhigga loo magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo xilka la wareegay bilowgii Bishan April ee sanadkan.
Jibriil, oo muddo saddex asbuuc ka yar jooga xafiiska ayaa mar kale wasaaradda loo magaacabay wasiir cusub taas oo muujisay in bil gudaheed ay xafiiska isku baddelayaan labo wasiir.
Axmed Macallin Fiqi oo xilalka ugu muhimsan ka qabtay dowladda ayaa hadda noqonaya wasiirka gaashandhiga ee dalka isagoo horrey u soo maamulay wasaaraddaha arrimaha gudaha iyo dibadda ee dalka, tani waxay Danjire Fiqi, ka dhigaysaa inuu saddex wasaaraddood oo muhima ka qabtay hal xukuumad muddo laba sanno iyo dheeraad ah.
Axmed Kaboole oo arrimaha ammaanka ka faallooda ayaa qaba in isbaddelo badan ee lagu sameeyo wasaarad sida gaashaandhigga oo kale ah ay keenaan xaaladdo markaa soo kordhay.
“Runtii muhiimadu waa in wasaaradda gaashaandhigga ay hesho degganaansho, hoggaan ciidan oo karti leh iyo qorshe istaraatiijiya oo waara, waxaan is leeyhay shaqsiyaad ayaa isbaddelaya waxaana mooddaa in lagu jaangoynayo weerarada dhaca isbaddelkaasi, taasina wax macna ma samaynayso,”ayuu BBC-da u sheegay Kaboole oo ku xeeldheer arrimaha ammaanka.
Dhinaca kale agaasimaha machadka daraasaadka ee Heritage, Mukhtaar Maxamuud Saney, ayaa BBC-da u sheegay in inkastoo isbaddeladu ay yihiin sunaha dowladnimada haddana ay ahayd in si qoto dheer wax loo eego.
“Waqti xasaasiya oo dalku marayo iyadoo dagaalka lagula jiro nimaankaas arggaxisda wasaaradda gaashandhiggu deganaansho ayey u baahnayd in la calwiyo uma baahnayn oo maalin qof cusub lagu tijaabiyo marka hore in laga fiirsado ayey ahayd qofka la geynayo xukuumadii kowaad ee la dhisayey, haddii marka qofka labaad la geynayana waxay ahayd in aad loo fiirsado,”ayuu yiri Saney
Wuxuu intaa ku daray inay tahay caqabad aad u weyn in wasaaraddaas ay ku dhacaan isbaddeladas noocaas ah waqtigan xaadirka ah aysana kaalameyn taas oo ku sheegay inay qayb ka tahay culaysyada haysta dowlad dhiska Soomaaliya.
Isbaddeladii wasaaradda arrimaha dibadda xilli Soomaliya fadhido Golaha Ammaanka

Si la mid ah wasaaradda gaashandhiga waxaa isbaddel dhowr jeer lagu sameeyey wasiiradii wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka.
Isbaddeladaas ayaa ku dhacay wasaaradda iyadoo Soomaaliya ay fadhido kursiga an joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay ku matasho wadamada Bariga Afrika iyadoo sido kale dalku ku biiray Dallada Bulshada Bariga Afrika.
Wasiirkii hore Abshir Cumar Huruuse ayaa bishii Agoosto sanadkii 2022-kii loo magacabay wasiirka arrimaha dibadda walow uu iska casiley xilkaas waxa wasaaradd loo magacabay Ahmed Macallin Fiqi 7-dii bishii April 2024-kii iyadoo hadda Cabdisalaan Cabdi Cali uu hoggaamin doono wasaaraddaasi.
Haddaba maxaa lagu fasir karaa samaynta diblomaasiyadeed ee isbaddeladaas?
Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey, waa aqoonyahan bartay siyaasadda iyo xiriirka caalamiga wuxuu BBC-da u sheegay in diblomaasiyada lagu qiimeeyo xasiloonideeda.
“Arrinta ugu wanaagsan oo saldhiga wasaaradda arrimaha dibadda waxaa weeyen waqti ku filan ayaa la siiyaa diblomaasiyiinta, tusaale ahaan safiirada waxaa la siiyaa afar sano cidda isku xiraysana waa wasiirka arrimaha dibadda marka hadii wasiirkii uusan waqti haysan waa dareemi kartaa , wasiirkii oo an baran dowladdihii oo an xog badna ka hayn oo an siyaasaddii waxyaabo badan oo dhacay ka turjumayn ayaa mid kale la keenaya”ayuu yiri Gurey.
=XIGASHO BBC SOMALI=