=XIGASHO BBC SOMALI=

Itoobiya, Soomaaliya iyo Masar

Advertisement

Isbaheysiga Milatari ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar ayaa ka socda Geeska Afrika, taas oo Itoobiya si gaar ah uga careysiisay, waxaana jira walaac laga qabo in iskaashigu uu noqdo mid ka badan dagaal afka ah.

Xiisaddan ayaa sare u kacday todobaadkan markii ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaareen labo diyaaradood oo nooca C-130 oo laga leeyahay dalka Masar, taasoo muujineysa billowga heshiiskii horraantii bishii Agoosto la saxiixay markii madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Qaahira.

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masaari ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika dhamaadka sanadkan, iyadoo 5,000 oo kale la sheegay in si gaar ah loogu daabuli doono.

Itoobiya, oo kamid ahayd dalalka caawinayay Soomaaliya marka ay noqoto dagaalka lagula jiro dagaalyahannada xiriirka la leh Al-Qaacida, isla markaana ay Masar isku hayaan biyo-xireen weyn oo ay ka dhistay webiga Niil, ayaa sheegtay in aysan “iska taagnaan doonin, xilli ay dowlado kale qaadayaan tallaabooyin xasillooni darro ku ah gobolka”.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka jawaab celiyay, isagoo yiri Itoobiya waa inay joojisaa “baroorta” iyadoo qof walba “uu goosan doono wixii uu beertay” taasoo muujineysa xiriirkooda diblomaasiyadeed oo hoos u dhacay muddo bilo ah.

Maxay Itoobiya iyo Soomaaliya isku khilaafsan yihiin

Dhammaan xiisadahan waxa ay ku soo aadayaan ka dib hamiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo doonaya in dalkiisa oo aan bad laheyn uu yeesho deked. Itoobiya waxay lumisay marinkii badda markii ay Eritrea ka go’day horraantii sagaashamaadkii.

Maalintii sannadka cusub ugu horraysay, Abiy Axmed waxa uu jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland la saxiixday heshiis ay Itoobiya ku helayso 20-km (12-mile) oo xeebteeda ka mid ah muddo 50 sano ah si ay saldhig ciidan uga samaysato.

Waxa kale oo meesha ku jira in Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland oo ay Somaliland lafteedu dabada ka riixayso.

Somaliland waxay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano ka hor, laakin xukuumadda Muqdisho waxa ay leedahay weli waa dhulkeeda, waxayna heshiiskaas ku tilmaantay fal gardarro ah.

Isku daygii ilaa hadda la isku dayey in xiisadda lagu qaboojiyo oo uu Turkigu waday waa lagu guul-darraystay.Itoobiya iyo Soomaaliya

Maxay Itoobiya uga xun tahay falcelinta Soomaaliya

Soomaaliya kaliya ma aysan keenin ciidamada dowladda Masar oo kaliya oo Itoobiya ay u aragto cadawgeeda, balse waxay sidoo kale shaacisay in ciidamada Itoobiya aysan ka mid noqon doonin ciidamada Midowga Afrika laga bilaabo bisha Janaayo ee soo socota.

Tani waa markii saddexaad ee ciidamo lagu daabulo Soomaaliya tan iyo markii hawlgalka taageerada nabadda ee Midowga Afrika uu bilaabmay, kii ugu horreeyay waxaa la geeyay 2007 bilo ka dib markii ciidamada Itoobiya ay ka soo gudbeen xadka si ay gacan uga geystaan la dagaallanka Al-Shabaab, oo markaas gacanta ku haysay caasimadda Soomaaliya.

Waxaa jira ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo hoos taga howlgalka Midowga Afrika ee hadda socda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Toddobaadkii hore, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay kala baxayso 5 ilaa 7,000 oo askari oo kale oo ku sugan dhowr gobol oo heshiisyo laba geesood ah ay kala saxiixdeen, haddii aysan ka bixin heshiiska dekedda ee ay la gashay Somaliland.

Itoobiya waxay taasi u aragtaa dharbaaxo fool ka fool ah, sida uu hadalka u dhigay wasiirkeeda arrimaha dibadda, “wax-u-huriddii ay askarta Itoobiya u galeen Soomaaliya”.

Ka bixitaanka ciidamada ayaa sidoo kale Itoobiya ka dhigi doonta mid u nugul weerarada Al-shabaab, sida uu BBC u sheegay Christopher Hockney, oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan machadka Royal United Services Institute.

Qorshaha la qorsheeyay in ciidamada Masar la geeyo xuduudkeeda bari ayaa sidoo kale Itoobiya ka dhigi doona mid cabsi gaar ah leh, ayuu raaciyay.

Masar ayaa u aragta biyo-xireenka Niilka ee Itoobiya oo ku yaal galbeedka dalka khatar jirta, waxayna ka digtay mar hore inay qaadi doonto “tallaabo” haddii ammaankeeda la halis galiyo.Soomaaliya iyo Masar

Waa maxay sababta biyo xireenka wabiga Niil uu muranku uga taagan yahay

Masar ayaa ku eedaysay Itoobiya in ay ugu hanjabtay biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee loo yaqaan ‘Gerd’.

Tani waxay ka bilaabatay 2011-kii webiga Niilka ee Buluuga ah ee ku yaal buuraleyda waqooyi-galbeed ee Itoobiya, halkaas oo 85% ay ka soo qulqulaan biyaha wabiga Niil.

Masar waxa ay sheegtay in Itoobiya ay mashruucan hore u sii waday iyada oo si buuxda “iska indho tireysa” danaha iyo xuquuqda dalalka hoose iyo ammaankooda biyaha.

Waxa kale oo ay ku doodday in 2% hoos u dhaca biyaha wabiga Niil ay keeni karto in ay lumiyaan ku dhawaad 200,000 acres (81,000 hektar) oo ah dhul waraab ah.

Dadaaladii dublamaasiyadeed ee u dambeeyay ee lagu doonayay in lagu ogaado sida uu biya-xireenku u shaqeeyo iyo in la go’aamiyo inta ay le’eg tahay biyaha qulqulaya ilaa Suudaan iyo Masar ayaa burburay bishii Disembar ee la soo dhaafay.

Wel-wel intee la’eg ayaa jira

Masar waxa ay u aragta heshiiska millatari ee ay la gashay Soomaaliya in uu yahay “mid taariikhi ah” sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sisi iyo fursad macquul ah oo ay ku xalin karto natiijada biyo-xireenka.

Hase yeeshee muranka wabiga Niil ayaa laga yaabaa inuu si wanaagsan uga dhex muuqdo Soomaaliya, waxaa ka digay Dr Hassan Khannenje, oo ah maamulaha Machadka Horn International Institute for Strategic Studies.

Waxay keeni kartaa in Itoobiya iyo Masar ay ka dhashaan “colaad hoose oo dawladeed” haddii ciidamadoodu ku kulmaan xudduudda Soomaaliya.Itoobiya, Masar iyo Soomaaliya

Somaliland ayaa sidoo kale ka digtay in saldhigyada ciidamada Masar ay ka sameystaan gudaha Soomaaliya ay keeni karaan xasilooni darro gobolka ah.

Itoobiya iyo Soomaaliyaba waxay mar horeba la tacaalayeen colaadaha gudaha dalalkooda kajira, Itoobiya oo dagaallo jabhadeed ka jiraan gobollada qaar iyo Soomaaliya, oo ka soo kabanaya dagaal sokeeye oo socday 30 sano, haddana waxaa weli socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Khubarada ayaa sheegaya in midkoodna uusan awood u yeelan karin dagaal kale iyo qalalaase.

Ugu yaraan 17,000 oo markab ayaa mara kanaalka Suez sanad walba, taasoo la micno ah in 12% ganacsiga caalamiga ah ee sanadlaha ah in uu maro badda cas, taasoo qiimaheedu dhan yahay $1tn (£842bn) oo alaab ah, sida uu sheegay kormeeraha maraakiibta Lloyd’s List.

Sababtaas awgeed, dalalka sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga waxay aad u daneynayeen inay iskaashi la sameeyaan dowladaha Afrika sida Soomaaliya oo xuduud la leh Badda Cas.

Sida laga soo xigtay Mr Harvey, Turkiga iyo Imaaraadku waxay haystaan fursad wanaagsan oo dhexdhexaadinta iyo helitaanka meel dhexe ah.

Imaaraadku waxa uu si weyn u maal-geliyey dekedda Berbera ee Somaliland, waxaana uu saamayn weyn ku leeyahay Itoobiya, maalgashiga uu ku sameeyo dartiis.

Indhaha oo dhami waxay eegi doonaan kulanka dambe ee diblumaasiyadeed ee Turkiga oo xiriir la leh Itoobiya iyo Soomaaliya. Wadahadallada kalana waxa ay bilaabmi doonaan bartamaha Sebtembar.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here