Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan caawa la qaatay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo kulanka diiradda lagu saarayey canshuurta gadista oo ay horey u qaadi jirtay dowladda, balse hadda lagu sameeyay casriyeyn iyo dib-u-habeyn.
Wadahadalladan ayaa la xiriiray sidii loo waafajin lahaa canshuuraha la casriyeeyay baahiyaha iyo xaaladaha kala duwan ee ganacsatada, iyadoo la tixgelinayo tabashooyinka ganacsatadu soo jeediyeen, isla markaana ay Xukuumaddu ballanqaadday in ay wax ka qaban doonto.

Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya  Iimaan Biixi Cige ayaa shirkaan kadib kaligiis qabtay shie uu uga  warbixinayay kulankii uu xalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliyeed Xamsa Cabdi Barre la yeeshay ganacsatada.
Wasiirk wuxuu sheegay in lagu heshiiyay tabashooyinkii ay soo jeediyeen ganacsatadu in dowladdu ay si deg deg ah u xaliso, iyaguna ay diyaar u yihiin bixinta canshuurta iibka ee saaran.
May be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 2 people, beard, glasses, newsroom and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here