MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mid ka mid ah la taliyayaasha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa iska casishay xilkii ay haysay.
Shamsa Cabdulqadir Daahir oo ahayd la-taliyaha sare arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xafiiska ra’iisul wasaraha ayaa warqadeeda casilaada gaarsiisay xafiiska ku shaqada leh.
Shamsa Cabdulqadir Daahir waxay ku sheegtay sababta ay isku casisahay inay aragtay ku takrifal awoodeed,cadaalad daro iyo waliba fara-gelin aan dhamaad lahayn sida ay sheegtay.
Sidoo kale waxay sheegtay in xuquuqdeeda la duudsiiyay islamarkana lagu caburiyay shaqadii ay u xilsaarneyd.
“Anigoo ah Marwo: Shamsa Cabdulqadir Daahir, ahna La-taliyaha Sare Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqel Insaanka ee Xafliska Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda JFS, waxan halkaan ku caddaynayaa inaan si rasmi ah iskaga casilay xilkii aan ka hayay xafliska , kadib markii aan arkay caddaalad darro baahsan, ku takri fal awoodeed iyo faro galin joogta ah, Duudsiin xuquuq lyo Caburin Shaqo oo la xiriirta Shaqadii La ii igmaday iyo beegsi inaan ahay shaqsi kasoo jeeda Degaanada Jubaland laguna dulmiyay xuquuqdiisi Shaqo ee dastuuriga ah.” ayay tiri
Ugu danbeyn waxay u mahadcelsay dadkii la soo shaqeeyay kuwaasoo ay sheegtay inay si niyad sami leh ula soo shaqeeyay inta ay xafiiska joogtay.