HomeWarkiiMaxay diblomaasi ahaan ka dhigantahay warqadda Xasan Sheekh 'u diray' Trump, Maxaase...

Maxay diblomaasi ahaan ka dhigantahay warqadda Xasan Sheekh ‘u diray’ Trump, Maxaase ka dhalankara?

=XIGASHO BBC SOMALI=Madaxweyneyaasha Maraykanka iyo Soomaaliya

Sida ay aragtay jimcihii wakaaalada wararka ee Reuters, dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay Maraykanka ogolaansho gaara oo ah maamulida saldhigyo cirka ag iyo dekaddo sida lagu qoray warqad uu madaxweyne Xasan Sheekh u diray dhigiisa Maraykanka Donald Trump.

Warqada oo la diray 16-kii bishan Maarso oo uu caddeeyey diblumaasi heer gobol ah oo arrintan wax ka ogaa, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in hantidaas ay ka mid yihiin saldhigga ciidamada cirka ee Balidoogle iyo sidoo kale dekeddaha Berbera iyo Boosaaso. Sida ay BBC-da ka soo xigatay Reuters.

Balidoogle ayaa qiyaastii 90-km (55 mayl) dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho,

Dalabkan ayaa Mareykanka siin kara joogitaan adag oo dhanka ciidamada ah ee gobolka Geeska Afrika isagoo u muuqda inuu ka hortagayo khatarta kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

“Hantidan ma guurtada ah ee istaraatiiig ah ayaa siinaysa Maraykanka fursad uu ku xoojiyo xiriirkiisa gobolka, iyadoo la hubinayo helitaanka joogtada ah ee milatariga iyo sahayda, isla markaana looga hortagayo tartamayaasha dibadda inay ka sameystaan joogitaan waddada muhiimka ah ee tan,” ayaa lagu sheegay qoraalka.

BBC-da oo farriimo u dirtay wasiiradda wasaaradaha arrimaha dibadda iyo warfaafinta ee xukuumada federalka si ay jawaab ugu hesho warqadan ayeysan u suura gelin inay ka jawaabaan.

Maxay Puntland iyo Somaliland ka yiraahdeen warqada?Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyada Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa si adag ugu horyimi qorshan isagoo ku tilmaamay wax an suurtagal ahayn.

“Maxaa wada shaqayn ah?Maraykanku waxa uu ka tanaasulay nidaamkan musuqmaasuqa ah ee la isku oran jiray Soomaaliya, Maraykanku hadda waxa uu diyaar u yahay in uu la macaamilo Somaliland,taas oo dunida tustay in uu yahay dal nabad ah, xasiloon oo dimuquraadi ah,”ayuu yiri Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo ah wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Maraykanku doqon maaha, way garanayaan cidda ay u baahan yihiin inay wax kala qabtaan marka ay timaado dekedda Berbera,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Tallaabadan ayaa sidoo kale dhalin karta khilaaf hor leh oo u dhaxeeya Hargeysa iyo Muqdisho ka dib markii sanadkii 2024-tii uu khilaaf weyn ka dhashay heshiis Is afgarad ah oo Somaliland la gashay Itoobiya.

Maamulka Puntland oo BBC-da la xiriirtay ayaa sheegay inaysan hadda ka jawaabayn basle ay ka hadli doonnaan arrintan.

Maxay diplomaasi ahaan ka dhigan tahay warqadan?Danjire Cawad

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa BBC-da u sheega in warqadan ay ka muuqato ” Deg Deg, tabardarni iyo quus uu madaxweynaheenu qabo,”. Wuxuu intaa raaciyey inaanba loo baahnayn in la arko warqadan.

Danjire Cawad ayaa xusay inaysan muuqan in dalabku ka yimi dalka Maraykanka oo ay ahayd inay muuqato doonistooda goobahan iyo in loo maro kanaalo diblomaasiyadeed oo labada dal ah.

“Waraaqda ayaan ka garanaynaa haddii ay jirto, warqadu waxay ku bilaaban lahayd annigoo tixraacaya tixraacyo kulamo hore ama teleefoonkeenii hore tixraac ayey yeelan lahayn marka halkan tixraac kama muuqdo, hadda qofkasta wuxuu doonayaa inuu Trump is jeclaysiiyo” ayuu yiri Danjire Axmed Ciise Cawad.

Maraykanka ayaa dhaqaale xooggan ku caawiya Soomaaliya iyagoo sidoo kale tababara ciidamada Danab ee sida gaarkaa u tababaran.

Madaxweyne Trump ayaa muddo xileedkiisa labaad ee aqalka cad, qaaday tallaabooyin uu ku joojinayo dhaqaale badan oo Maraykanku ku kabi jiray dalalka saboolka ah ee dunida.

Maxaa ka dhalan kara?

Inkasto aysan dowladda Soomaaliya ka hadlin warqadan ay aragtay Reuters, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaliya ayaa qaba inaysan muuqan ilaa hadda waxa Soomaaliya ay ka helayso dhankeeda qorshahan.

Cawad ayaa qaba in warqadan ay ka dhalan karto “inay cod xooggan siiso oo ka badan inta hadda codkoodu dhan yahay Somaliland, oo ay ka faa’iidaysato” ayuu BBC-da u sheegay.

Dowlada Soomaaliya awood ma u leedahay inay heshiiskaas gasho?

“Dalka Soomaaliya, bad, berri iyo hawada sare, waxaa masuuliyad qaanuuni ahi ka saaran tahay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya guud ahaan Dawladda Federaalka oo keli ah ayaa heshiis u geli karta. Qasab ma ahan in ay dawladda dalka oo dhan ka taliso….

“Sharci ahaan heshiis way la geli kartaa dal kale sida Maraykanka isticmaalka hawada, dakadaha iyo gegida dayaaradaha ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, heshiiskaasna waxa uu noqonayaa mid qaanuun ahaan sax ah,” ayuu yiri Dr Ahmed Ali Khayre oo ah Lataliye Sharci, Bare Jaamacadeed, PhD.

Dekadda Berbera iyo DP WorldDekada Berbera

Dekadda Berbera oo ka mida dekaddaha ugu saamaynta badan Bariga Afrika waxaa maamula Jamhuuriyada Iskeeda Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyadoo la fahansan yahay in dowladda Federalka ee Soomaaliya aysan wax saamayn ah ku lahayn.

Heshiiska DP World ee dekedda Berbera ee ay la gashay Somaliland wuxuu soo bilaabmay 2 016-kii, xilligaas oo golaha wakiiladda Somaliland ay ansixiyeen taariikhda markii ay ahayd 9-kii bishii Agoosto, 2016-kii.

Heshiiskaas ayaa dhigayey in shirkadda DP World ay saamiga dekadda yeelanayso 51% boqolkiiba, Somaliland-na ay yeelayanayso 30% boqolkiiba, halka dowladda Itoobiya ay qaadatay boqolkiiba 19%, heshiiskana waxa uu soconayaa muddo 30 sanadood ah.

Dekadda Berbera ayaa ka mida kuwa ugu casrisan ee ku yaalla gobolka ka dib casriyeyn iyo ballaaarinta shirkada DP World.

Dekadda Boosaaso iyo DP WordDekada Bosaaso

Sanad uu ka dib heshiiska Somaliland iyo DP World, maamulka Puntland ayaa sheegay inay heshiis la saxiixdeen shirkada sanadkii 2017-kii, kaas oo dhigayey inay DP World maamulid iyo maalgelin ku samaynayso dekadda Boosaaso muddadda sodonka sano ee soo socoto.

Heshiiskan oo ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta, lagu sheegay in shirkadaa Imaaraadka fadhigeedu yahay ay ku samaynayo dekadda horumarin, casriyey iyo ballaarin taas oo warsaxaafadeed ay Puntland xilligaas ka soo saartay heshiiskan ku sheegtay in dekedda Boosaaso lagu kordhin doono illaa 450 Mitir oo ballac ah, sidoo kale waxaa la dayactiri doonta qaybta haatan shaqaysa.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxeysa lacag dhan $336 million, lacagtaas oo wejiga koowaad ee dekada la gelin doono $ 200 million Dollar, halka wejiga labaad ee dekada la gelin doono lacag dhan $ 136 million Dollar.

XIGASHO BBC SOMALI

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -