Horraantii bishaan Maarso waxaa dib ka soo laba kacleeyay dagaalka ka dhanka ah ee ay dowladda kula jirta Al-shabaab ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyada oo dagaalladaas ay qeb ka ahaayeen dadka deegaanka.
Dagaalladaas ka dhacayey qeybo kamid ah deegaannada hoos yimaada Gobalka Shabeellada Dhexe ee ka dhanka ahaa Al-shabaab oo waqti badan qaatay, ayaa ka bilaawday deegaanka Ceel Cali Axmed ee hoos yimaadda Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellada Dhexe, iyada oo ay si wada jir ah ka qeyb qaateen Ciidamada Xoogga, kuwa NISA iyo Ciidamada deegaanka ee lagu magacaabo  (Macawiisleyda).
Sidoo kale, waxaa jiro degaanno kale oo ay kamid yihiin, Daarul Nimca ee hoos yimaada degmada Nuur-irgood iyo Al-kowther, Degmadda Ceel-baraf iyo Deegaanka Cali Fool-dheere ee Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa qeyb ka ahaa deegaannadii ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.
Muddadii ay dagaalladaas socdeen, waxaa xadka Soomaaliya ka soo gudbeen cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Itoobiya, gaar ahaan dhanka xuduudka magaalada Feerfeer, iyada oo la sheegay in ay xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ka soconaya deegaannada maamulka Hirshabeelle.
Ciidamaas ayaa soo gaaray qeyb kamid ah deegaannada uu dagaalka ka soconayo ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyada oo aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Militeriga Itoobiya, kaasi oo la xiriira ciidamada yimid gudaha Soomaaliay.
Itoobiya ayaa qeyb ka ah howlgalka AUSSOM ee dhawaan ka billaawday Soomaaliya, iyada oo labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu muddo khilaafkooda meel dheer gaaray, kaasi oo salka ku hayay heshiiskii Somaliland, kaddib wada xaajood dheer kaddib ay qeyb ka noqdeen hawlgalka AUSSOM.