Sida lagu baahiyay TV-ga Qaranka Somalia Kulan socday muddo todobaad ah oo looga hadlaayay la-dagaalanka argagixisada iyo xakamaynta farriimaha gurracan oo ay soo agaasintay Urur-Gobolleedka IGAD ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Xoghayaha Guud ee IGAD Dr Workneh Gebeyehu iyo ku Xigeenka Xoghaya Guud Mudane Maxamed Cabdi Waare, oo kulankaan ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay gobolka u leedahay in la abuuro warbixinno lagu ciribtirayo khawaarijta iyo fikiradaha argagaxa leh ee kooxaha khawaarijta ay gaarsiiyaan bulshada.
Agaasimaha waaxda la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee IGAD Dr Simon Nyambura, oo kulanka soo xiray ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey qeybaha dhaqanka, Culimada iyo warbaahintii kasoo qeyb gashay shirkaan.
Advertisement