Maxamed Aadan Jimcaale oo ahaa agaaismihii hore ee Hay’ada Socdaalka hadana ah Musharax Madaxweynaha Galmudug ayaa bartiisa Facebook wuxuu maanta soo dhigay qoraal uu ku soo dhaweynayo shirka lagu heshiisiinayo Beelaha Xeraale iyo Cabud-waaq ee maanta ka furmay xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusa-mareeb kaasoo uu gogoshiisa dhigay Madaxweyne Qoor-qoor.

Qoraalka Koofi ayaa sidan u qornaa:-
Bogaadin iyo Taageero
Waxaan boogaadinayaa, isla markaana taageerayaa gogosha nabadeed ee dowladda Galmudug dhigtey Magaalada Dusma-reeb, taas oo lagu heshiisinayo beelaha walaalaha ah ee degmooyinka Caabud-waaq iyo Xeraale.
Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa bulshada Caasimadda Galmudug oo qaatey martigelinta gogoshaan lagu turxaan bixinayo sababaha keeney colaaddaan.
Maansadii “Gafane” oo aan sanado badan ka hor kaga hadley colaadaha, waxaa ku jirey laba beyt oo aan jecleystey in aan reer Galmudug xasuusiyo.
Gacal haduu isgaaroo
Gurmad la isu taagoo
Godobtuna fogaatoo
Geedi dheer la kala raro
Gartu geed la waabiyo
Gogol baa la geyn jirey
Gafanaha colaadaha
Guntigooda soo fura
Gacmahaa la qaban jiroo
Wixii uu gabood faley
Ma guuraan dhaqankiyo
Xeerbaa la gelin jirey.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here