Starlink waa shabakad internet ah oo saldhigeedu yahay dayax-gacmeedyo, waxaana hawlgelisa shirkadda Starlink Services, LLC, oo ah shirkad caalami ah oo bixisa adeegyada isgaarsiinta. Shirkaddan waxaa si buuxda u leedahay shrikada uu leeyahya bilyaneerka Maraykanka Elon Musk ee la yiraahdo SpaceX, oo ah shirkad Mareykanku leeyahay oo ka shaqeysa hawada sare. Starlink waxay adeeg internet ah siisaa in ka badan 100 waddan iyo, iyadoo sidoo kale hiigsaneysa in ay bixiso adeeg internet oo mobile ah oo caalami ah. Starlink waxay door weyn ka ciyaartay koritaanka iyo guusha shirkadda SpaceX.

SpaceX, ayaa daah-furtay shirkada Starlink ee dhanka Satelate-ka sanadkii 2019-kii.Ilaa bishii Sebteembar 2024, shabakadda Starlink waxay ka kooban tahay in ka badan 7,000 oo dayax-gacmeedyo yaryar oo si ballaaran loo soo saaray, kuwaasoo ku wareegaya dhulka meel hoose (Low Earth Orbit – LEO), isla markaana la xiriira qalabyo gaar ah oo dhulka yaalla oo isgaarsiinta qabta. Waxaa la qorsheeyay in la hawlgeliyo ku dhowaad 12,000 oo dayax-gacmeed, iyadoo la filayo in tiradaasi ay gaarto ilaa 34,400 mustaqbalka fog.

Shirkadda adeegada hawada ee SpaceX, ayaa ku dhawaaqday bishii December sanadkii 2022-kii inay gaartay in ka badan hal milyan oo macaamiil ah, halka tiradaas ay kor u kacday ilaa afar milyan bishii sebteember ee sanadkii 2024-kii.

Bishii May 2018, SpaceX waxay ku qiyaastay in guud ahaan kharashka lagu naqshadeynayo, lagu dhisayo, laguna hawlgelinayo shabakadda Starlink uu noqon doono ugu yaraan 10 bilyan oo doollar Mareykan ah.

Sanadkii 2022, dakhliga Starlink waxaa lagu sheegay inuu gaaray $1.4 bilyan, hase yeeshee waxaa la sheegay in shirkaddu weli khasaaro ay la kulantay sanadkaa, inkastoo faa’iido yar la diiwaan geliyay oo billowday sannadka 2023.

Bishii May 2024, dakhliga la filayay ee sanadkaas wuxuu ahaa $6.6 bilyan, balse markii dambe sanadkaas saadaashaasi ayaa kor u kacday oo la gaarsiiyay $7.7 bilyan.

Waxaa la filayaa in dakhliga Starlink uu gaaro ilaa $11.8 bilyan sanadkan 2025.

Ururinta dayax-gacmeedyada ku wareegaya meel hoose oo dhulka ah (Low Earth Orbit – LEO) ayaa markii ugu horreysay la fikirey bartamihii 1980-meeyadii, iyadoo qayb ka ahayd Strategic Defense Initiative (Mashruucii Difaaca Istaraatijiga ah) ee Mareykanka. Tani waxay ugu dambayn horseedday qorshaha la yiraahdo Brilliant Pebbles, kaas oo hub lagu rakibo lahaa orbit-hoosaadka si loo burburiyo gantaallada ridada dheer marka si degdeg ah loo helo.

Waxaa sidoo kale la aqoonsaday fursadda ay shabakadahani u leeyihiin isgaarsiin degdeg ah (low-latency communication), taas oo keentay in horumarin dheeraad ah lagu sameeyo 1990-meeyadii. Natiijadii waxay dhalisay mashruucyo badan oo ganacsi oo ah megaconstellations (shabakad ballaaran oo dayax-gacmeedyo ah) kuwaasoo adeegsanayey qiyaastii 100 dayax-gacmeed.

XIGASHO BBC SOMALI