Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Deegaanka Raas-kanbooni ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya inay degan tahay madaama tan iyo shalay xiisad dagaal laga soo warinayay markii Ciidamo ka so da Dowlada Somali ay halkaasi qabsadeen.

Warar kala duwan ayaa dhanka Jubaland laga helaayo kaasoo baraha blshada ee taageera ay faafinayaan sida in ciidamo badan oo Jubaland lagu sii dhuraayo deegaano ku dhaw Raaskan-booni si ay u weeraraan ciidamada Dowlada Somalia ee halkaasi gacanta ku haya.
Meelaha ciidamada Jubaland gaareen waxaa ka mida sida dhankooda laga helayo deegaano 25 Km u jira deegaanka raas-kanbooni sida Kudhaa iyo Madhabo kuwaasoo isku diyaarinaya guluf dagaal oo ay ku qaadaan ciidamada Dowlada ee heysta raaskan-booni.
Wararka kale ee ka soo baxaya dhanka Jubaland ayaa sheegay in deegaanka raaskanbooni uu go’doonsan yahay islamarkaana ay ciidamada Dowlada gurmad ka heli karin bad iyo bariba.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of ocean
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here