Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowlada Masar ay mar kale hub waa weyn ka soo dejineyso Magaalada Muqdisho kuwaasoo ay ugu deeqeyso Dowlada  Somalia.

Wararka arintaani ku saabsan ayaa sheegaya in maraakiib waa weyn Masar usoo direyso Muqdisho maalmaha soo socda kuwaasoo wada hub casi ah marka loo eego qalabeynta Ciidamada Xooga Dalka Somalia.

Advertisement

Hubka markaan Masaaridu keeneyso Muqdisho ayaa lagu sheegay inay ku jiraan taangiyo kuwaasoo ah baahida ugu weyn ee ciidamada Xooga Dalkeena madaama dalku cadow badan leeyahay sida Dowladaha deriska nala ah qaarkood.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Masar dooneyso inay hubeyso ciidamada Xooga dalka Somalia ka hor inta aysan ciidamadoodu soo gaarin gudaha Somalia madaama ay qeyb ka yihiin ciidamada howlagalka cusub ee Somalia.

talaabadaani Masar hadii ay ka dhabeyso oo maraakiibtaani waa weyn xamar soo gaarsiiyaan taangiyada waxaa mar kale laga cabsi qabaa inuu cirka isku shareero khilaafka u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Dowlada Itoobiya oo maalmihii ugu dambeeyay uu soo hagagayay khilaafkooda.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here