Maxaad kala socotaa howlgalka Milateriga somalia ay ku laayeen koox Alshabaab ka tirsan 

Sida lagu shaaciyay raadiyaha ciidamada Dowlada Somalia Degaanka Daynuunay ee gobolka Baay waxaa saaka ka dhacay qorsheysan kaasoo ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad.
Howllgalka ayaa lagu dilay 7 ka mid ah maleeshiyaadkii khawaarijta ee ku sugnaa deegaankaas, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka.

L/X/le Cabdi Raxmaan Nishow, ayaa warbaahinta u sheegay in hawlgalku uu u dhacay sidii loo qorsheeyey, islamarkaana ay ciidanku si guul leh uga soo laabteen. Wuxuu xusay in weerarkan uu qayb ka yahay dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha nabad-diidka ah ee ku sugan gobollada Bay iyo Bakool.
Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here