No photo description available.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka aan ka heleyno Masaajidka ugu weyn Soomaaliya oo dhawaan la dhisay ee  Cali Jimcaale kuna yaal Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi saaka ay ka jirto xiisad ka dhalatay wadaad dhawaan bartiisa Facebook ku aflagaadeeyay Sheekh Cusmaan Xidig.

Wadaad lagu magacaabo Ibraahim Ciyow ayaa dhawaan bartiisa Facebook soo dhigay qoraak uu ku aflagaadeeyay sheekha caalimka ah ee habeen hore geeriyooday Sheekh Cusmaan Xidig, waxaana la sheegayu in wadaadkaani Ibraahim Ciyow uu ka tirsan yahay maamulka Masaajidka Cali Jimcaale.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamo Booliis ah ay gaareen Masaajidka iyagoo maamulka Masaajidkaasi wax ka weydiiyay arintani.
War ka soo baxay Maamulka Masaajidka ayaa lagu beeniyay inuu wadaadkaasi si naba uga tirsaneyn macalimiinta ,culumada iyo maamulka masaajidkaasi intaba.
Wadaadkaan Ibraahim Ciyow ayaa wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan inuu bartiisa facebook ka saaray qoraalkii uu ku aflagaadeeyay wadadaadka caanka ahaa ee Sheekh Cusman Xidig Allaha u naxariistee kaasoo leh kumanaan xertiisa ah oo uu wax soo baray.
lama yaqaan in Booliisku soo xiri doonan wadaadka lagu magacaabo Ibraahim Ciyow madaama lagu eedeynayo aflagaadada Shiikh Cusman Xidig oo shalay aas weyn loo sameeyay.
QORAALKA MEEL KA DHACA KU AH SHEEKH CUSMAAN XIDIDG EE UU QOREY SHIIKH IBRAAHIM CIYO SIDAN AYUU U QORNAA:
May be an image of text
SIDOO KALE BEENINTA MASAAJIDKA CALI JIMCAALE AYAA IYANA SAAN U QORNEYD:
𝐖𝐚𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧 𝐝𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠 𝐚𝐡
Maamulka Masjidka Cali Jimcaale wuxuu cadeynayaa in uusan Ibraahim Ciyow kamid ahayn maamulka, Imaamyada rasmiga ah iyo Macallimiinta masjidkaba, Masjidkuna masuul kama aha fikirka qof gaar ah oo aan masjidka shaqo ku lahayn, Wuxuu maamulka masjidku ku baaqayaa in la hubsado waxa la baahinayo loogana baqo Allaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No photo description available.

Advertisement
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here