KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Jubaland ayaa maanta ku leh Magaalada Kismaayo kulan siyaasadeysan kaasoo la doonayo in xilka looga qaado Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaankaas Aadan Khaliif.

Ujeedka Xil ka qaadistiisa oo siyaasadeysan ayaa la soo sheegayaa inay ka danbeyso kadib markii uu dhawaan ka hor yimid mooshin Dastuurka Jubaland dib u eegis loogu sameynayo laguna furayo si wax looga badeli karo.

Advertisement

Dastuurka Maamulka Jubaland ayaa qoraya in Madaxweynhu laba jeer ka badan uusan isa soo sharixi karin mar sedexaadna noqon karin madaxweynaha Jubaland, waana halka la iska heysto madaama Axmed Madoobe doonayo inuu mar kale xukunka ku soo laabto.

Madaxweyne Axed Madobe oo la rumeysan yahay inuu yahay Hogaamiye ad-adag cidii ka hor timaadana uu iska hor leexsho ayaa soo qaban qaabiyay kulanka Baarlamaanu uu xilka uga qaadayo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka madaama uu damaciisa ka hor yimid.

Shirka  Baarlamaanka ayaa maanta lagu wadaa inay cod u qaadaan kalsooni kala laabashada Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubaland Aadan Khaliif.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here