=XIGASHO BBC SOMALI=

Halkii kiilo waxaa la iibiya £2,500 oo pound waxaana si toos ah loogu iibiyaa maqaayadaha  hoteellada iyo suuqayada adduunka oo dhan.

Advertisement

Magaca waa Black Ivory Coffee waxaana uu labaatankii sano ee la soo dhaafay, u soo kordhay si xad dhaaf ah.

Halkii kiilo waxaa la iibiya £2,500 oo pound waxaana si toos ah loogu iibiyaa maqaayadaha hoteellada iyo suuqayada adduunka oo dhan, iyo sidoo kale xaddi xaddidan oo dhanka internetka ah.

Qiimaha maqaayadaha ay iibiyaan ayaa lagu sheegay in halkii koob uu yahay 50 doolar.

Qiimaha kehyrul caadiga ah ayaa sabab u ah cadadka xaddidan. Sida laga soo xigtay National Geographic, sidoo kale hadda waa kafeega ugu naadirsan adduunka, iyada oo kaliya ku dhawaad 500 rodol oo ka mid ah la soo saaray guud ahaan 2023.

Black Ivory Coffee waa nooc kafee ah oo ay soo saarto shirkadda Black Ivory Coffee Company Ltd ee waqooyiga Thailand oo laga soo saaro digirta qaxwaha Arabica ee ay maroodigu cunaan.

Qaxwaha saxarada maroodiga ayaa laga sameeyaa digirta ay cunaan maroodiga kadib marka ay dheef- shiidkooda soo marto.

Soo saarista ama sameynta qaxwaha madow ee Black Ivory coffee waxay ku xiran tahay helitaanka jeeriga qaxwaha, rabitaanka cuntada maroodiga, iyo tirada digirta ee lagu burburiyo calalinta digirta.

Waxaa jira meel lagu xanaaneeyo maroodiga oo ku taal tuulada fog ee miyiga Thailand ee Ban Ta Klang, Surin. Halkaa waxay ku xanaaneeyaan 15 maroodi oo leh caadooyin cunto oo gaar ah kuwaas oo ku salaysan dookha dhadhanka maroodiga.

Tusaale ahaan, maroodiyaasha qaarkood waxay jecel yihiin bariiska iyo milixda, halka qaar kalena ay door bidaan miraha ama sonkorta.

Jeeriga kafeega cas ee bislaaday waa 100% Arabica, oo ay gacanta ku soo dooreen dumar ka soo jeeda qabiilka Acha.

Hadhowna waxa jira dad soo uruurinya digirtii ama cunnadii uu cunay maroodiga, ardayda dugsiga sare ee sannadka u dambeeyana waxa la siiyaa lacag si ay u dhaqaan oo ay kadibna qorraxda ugu qallajiyaan kafeega.

Faa’iidooyinka caafimaad ee cabidda Bunka

Daraasada ayaa lagu ogaaday in dadka cabba bunka ama qaxwada badan ay yartahay halista ah in ay ku dhacaan cudurrada beerka iyo qaar ka mid ah noocyada kansarka iyo waliba in ay yartahay halista ah in u qofka madaxa dhiig kaga furmo.

Balse daraasadda ma aysan caddeyn in cabidda bunka uu sabab u yahay arrimhan.

Daraasadda ayaa muujinaysa in hooyada marka ay uur leedahay misana aadka u cabta bunka uu waxyeelo u gaysan karo.

Khubarada ayaa ku taliyay in dadka aysan ku kicin cabbida qaxwada iyagoo caafimaad ka doonayo.

Cilmibaarayaashani oo ka socday jaamacadda Southampton ayaa waxay soo uruuriyeen macluumad la xiriira saamaynta uu bunka ku yeelanayo jirka bina’aadamka.

Waxaa cilmibaarayaasha ay tijaabo ku sameeyeen 200 oo daraasadood oo intooda badan laga sameeyay saameeynta cabbidda bunka.

Marka la isu barbar dhigo dadka aan cabin bunka ,iyo kuwa maalinkii cabba seddex koob ,ayaa dadka cabba waxaa la ogaaday in ay yartahay khatart ku aadan in ay ku dhacaan cudurada wadnaha amaba ay u dhintaanba."Arrimaha sida da'da, in qofka uu cabbo sigaar iyo dadka sameeya jimicsiga ayaa dhamaan yeelan kara astaamahan,"

Faa’iidada ugu xooggan ee laga dhaxlo cabbidda bunka ayaa ah in hoos u dhaca halista in qofku ay ku dhacaan cudurradda beerka oo uu ku jiro Kansarka.

Hasa yeeshee, Prof Paul Roderick, oo ka mid ah macallimiinta kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Southampton, ayaa sheegay in daraasada aysan tilmaamin in cabbidda bunka oo kali ah ay sabab u tahay yaraanshaha halista cudurradaasi.

“Arrimaha sida da’da, in qofka uu cabbo sigaar iyo dadka sameeya jimicsiga ayaa dhamaan yeelan kara astaamahan,” ayuu yiri.

Waxyaabaha lagu ogaaday daraasadda ayaa taageeraya daraasado horay loo sameeyay oo ku saabsan cabidda bunka .

Daraasada ayaa ku talinaysa in haweenka uurka leh aysan cabin maalinkii wax ka badan 200 oo mg oo bun ah ,sababtoo ah haddii ay cabaan qaxwo badan ayaa waxa sare u kici karta halista ah in ay ilmaha soo dilmaan.

Waxa ay sidoo kale ku baaqayaan in loo baahan yahay in dadka cabba bunka ay ogaadaan faa’dooyiinka caafimaad ee ku jirta.

Eliseo Guallar, oo ka socda koleejka caafimaadka John Hopkins Bloomberg ayaa haseyeeshee sheegay inay waliui jirto hubaal la’aan ku aadan saamaynta ay yeelan karto qofka oo cabba bun ama qaxwo aad u badan.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here