Xabsiyada ay heystaan Yuhuuda islamarkaana ay ku jiraan maxaabiista reer Falastiin ayaa laga soo sheegayaa xaalada aad u adag iyo jir di l xoogan oo loo geysto.

Wararka ugu danbeeya ee Aljazeera ay soo tabineyso ayaa sheegaya in xaaladaasi adag ay keentay in maxaabiistu nolosha ka door bidaan dhimashada.

Advertisement

Wararka ayaa intaasi ku daraya inay dhowr mar isku dayeen inay ama baxsadaan ama is dilaan madaama nolosha ay nool yihiin ay tahay mid liidata iyadoo xitaa aan raashin la siin.

Sida laga soo xigtay Guddiga Maxaabiista iyo Arrimaha Maxaabiista hore, waxaa jiray ugu yaraan toddobo isku day oo ay naftooda qatar ku geliyeen.

Guddiga ayaa sheegay in ay sabab u tahay xaaladaha xabsiga oo xun, naxariis-darrada maxaabiista, iyo nafaqo-xumada iyo dayaca caafimaadka intaba.

“Dhaqankaan faashiistaha ah ee ka jira xabsiga Ofer ayaa ka dhigaya maxaabiista inay ka door bidaan dhimashada nolosha,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay guddiga.

Qareenka u doodaya guddiga ayaa xaqiijiyay isku dayga ismiidaaminta kadib booqasho ay ku tageen Ofer 24-kii Luulyo.

“Maxaabiista waxaa loo geystaa garaacis,Qaar ka mid ah ayaa ka gubtay maqaarkooda ka dib markii ay ku qubteen heerkulka aad u sarreeya, kaas oo maamulka xabsiga uu ka ilaaliyo meel fog,lama siiyo daryeel caafimaad oo ku habboon,” ayuu yidhi qareenku.

Maxaabiista qaarkood waa bukaan kansarka ah , Qaar kale oo badan ayaa miisaankooda u dhimay nafaqo-xumo, halka ciriiriga uu keenayo faafitaanka cudurrada

Horaantii maanta, waxaan warbixin ka bixinnay hadal ka soo yeeray

Wasiirka Amniga Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, oo sidoo kale mas’uul ka ah xabsiyada ay ku xiran yihiin Falastiiniyiinta ayaa mar uu ka hadlaayay rafaadka heysta maxaabiista reer Falastiin wuxuu muujiyay inuu ku faraxsan yahay sidoo kalana wuxuu xusay inuuba ku faanayo jir dilka ay ku hayaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here