HomeWarkiiMaxaa sanadkan kasoo kordhay awoodda militari ee Soomaaliya iyo dalalka deriska la...

Maxaa sanadkan kasoo kordhay awoodda militari ee Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah?

=XIGASHO BBC SOMALI=Soomaaliya

Global Firepower Index, oo sanadkiiba mar lagu qiimeeyo ccududda ciidan ee dalalka caalamka, ayaa ah isha ugu weyn ee laga helo xogta milatari ee la aamini karo.

Qiimayntan ayaa ku salaysan xog laga helay ilo kala duwan oo lagu kalsoonaan karo, laga soo bilaabo dalalka ugu awoodda badan ilaa kuwa ugu yar. Awoodda ciidan ee waddamada lagu soo daray darajadan laguma qiyaaso oo kaliya inta ay le’eg yihiin cududdooda ciidan iyo hubka ay wataan.

Liiska shuruudaha loo yaqaan ‘Power Index Score’, oo ka kooban 50 dhibcood, ayaa loo isticmaalaa si loo go’aamiyo darajadan. Kuwaas waxaa ka mid ah tirada dadka, tirada ciidamada, tirada iyo nooca hubka, kheyraadka dabiiciga ah, awoodda dhaqaale, muuqaalka, iyo kuwa kale.

Soomaaliya ayaa keliya ka sarreysa saddex dal marka la eego dalalka 145-ta ah ee la qiimeeyay, waxayna ku jirtaa kaalinta 142-aad waana dalka 36aad Afrika marka la eego awoodda militari.

Dalalka Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku kala jira dalalka ugu awoodda badan caalamka, kuwaas oo kala galay min shan ilaa shan, iyadoo dalalka kale ee reer galbeedka iyo kuwa kaleba ay soo galeen qiimayntan.

Afrika, Masar, Aljeeriya, Nigeria, Koonfur Afrika, iyo Itoobiya ayaa kaalimaha hore kaga jira dhanka awoodda ciidan. Dalalkan ayaa sidoo kale ka mid ah kuwa ugu dadka badan uguna dhaqaalaha badan qaaradda.

Itoobiya oo ku taal Geeska Afrika, waa gobol ay ragaadiyeen colaado iyo xiisado siyaasadeed, waxay ka mid yihiin shanta waddan ee ugu awoodda badan xagga ciidamada Afrika, waana waddan saamayn dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku leh gobolka.

Haddaba, waa sidee awoodda ciidan ee dalalka dariska la ah Soomaalida sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, marka la eego qiimayntan Global Firepower ee ciidamada militariga dalalka?Kenya

Dalka Kenya oo deris la ah Soomaaliya, waa mid ka mid ah dalalka Afrikaanka ah ee dhaqaalahoodu xooggan yahay, xiriir nabadeed la leh dalalka ku xeeran, isla markaana aanay jirin wax jabhado hubaysan ah oo dalkeeda ku sugan.

Khatarta ugu weyn ee dhanka ammaanka Kenya ayaa ah kooxda al-Shabaab, kuwaas oo ka howlgala gudaha Soomaaliya. Taasi waxay keentay in ciidankeeda inta badan la geeyo xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya.

Kenya, oo ay ku nool yihiin 58 milyan oo qof, waxay leedahay ciidan joogto ah oo gaaraya 50,000 iyo 25,000 oo maleeshiyo ah, waxayna ku jiraan kaalinta 11aad ee dalalka Afrika, halka 83aad ee adduunka ay ku jiraan qiimeynta Global Firepower Index.

Kenya, oo leh ciidan, cir iyo badda, waxay u qoondaysaa in ka badan $1 bilyan 307 milyan sannadkiiba ciidankeeda.

ItoobiyaItoobiya

Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika, waxaa hadda ku nool dad gaaraya 118 milyan oo qof, sida lagu sheegay qiimaynta Global Firepower Index.

Itoobiya sidoo kale waa dalka ugu dhaqaalaha roon gobolka. Itoobiya oo ay soo food saartay khataro amni oo gudaha iyo dibadda ah, waxay leedahay ciidamo dhul, cir, iyo badda; Waxa ay dunida kaga jirtaa kaalinta 52-aad marka loo eego dhanka awoodda ciidamada, waana dalka shanaad ee ugu awoodda badan qaaradda Afrika.

Itoobiya, oo leh ciidan joogta ah oo ka badan 160,000, ayaa dhaqaalaha ugu badan ku bixisa ciidankeeda waddan kasta oo adduunka ah, iyada oo miisaaniyad sanadeedkeedu dhan yahay $ 2 bilyan 97 milyan.

JabuutiJabuuti

Jabuuti, oo ah dalka ugu yar ee deriska la ah Soomaaliya, kuna yaal meel istaraatiiji ah oo Geeska Afrika ah, ayaan lagu darin liiska qiimaynta awoodda ciidan ee Global Firepower.

Dalka Jabuuti ayaa ku yaala halka laga soo galo gacanka cadmeed oo ah marin muhiim u ah ganacsiga badda, waxaana dhowr wadan oo awood badan ay saldhigyo ciidan ka sameysteen dalkaasi.

Dalka Jabuuti oo ay ku nool yihiin dad ka yar hal milyan iyo bar ayaa la og yahay in ay leeyihiin ciidamo dhul, cir iyo kuwo bad ah oo kooban.

Inkastoo Jabuuti aan lagu darin qiimeynta awoodda ciidamada, haddana lama filayo inay ka awood badan tahay dalalka kale ee Geeska Afrika, marka loo eego tirada dadka iyo tirada dadka.

=XIGASHO BBC SOMALI=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -