Maxaa looga qarinaa Jiilka cusub. Q. 3aad
Haddii Maanta aad aragtay Somali u tahriibee wadamada Reer Galbeedka si ay u noqdaan Darawalo Taxi iyo Trucks.
Waxaa jiray wakhti Reer Galbeedku ay u soo tahriibi jireen Somalia si ay u noqdaan Wade Taxi iyo Truck.
Aamin ama ha aaminin, cadeeyn.
Waxaa la sameeyay Xafiiska Muhaajiriinta iyo Shaqa doonka Talyaaniga ku socdo Somalia,( to manage the flows of migrants from Italy to Somalia the office of the Migration and Colonisation commissioner was established) si loo maareeyo Qulqulka Socdaalka shaqa doonka ah ee ka tagayo Talyaaniga kuna socdo Somaliya waxaa la sameeyay Xafiis ku howl leh arintaa.
waxaa la dejiyay Sharciyo ku saabsan Shaqada uu qabanayo Qofku, Dakhliga ka soo galo Somalia meeqa ayuu u soo xawilaa Qoyskiisa Talyaaniga Joogo, Caymiska iyo Caafimaadka haddii uu xanuunsado.
in ka badan 40,000 Muhaajiriin Talyaani ah ayaa timid Somaliya si ay shaqo u helaan, Qaar Talyaani ahaa oo shuruudo lagu reebay ayaa si sharci daro ah ku soo galay Somaliya. Badankoodu waxa ay ahaayen Cunta kariyaayaal, Garaashleey, wadayaal gadiid in kasto markii dambe qaarkood kuwii Qurbaha ka yimid, loo dhiibay Shaqo siyaasadeed oo aynan aqoon sida Gudoomiyayaal Degmo, Ciidan iyo Kaaliyaal caafimaad.
Waxaa sameeysmay Mukhalasiin Badan oo xafiisyo leh oo Dadka u soo diro Somaliya, waxaa la sameeyay Xayeeysiino dhalanyarada lagu dhiiri galinaa in ay taajiri doonaan haddii ay tagaan Wadankaa Barwaaqada ah ee Somaliya iyaga iyo Xaasaskoodu.
wakhtigaa oo yurub ay ka jirtay Shaqa la’aan baahsan, loona xayeeysiinayay Somaliya ( F.S: 1-3aad)
Dadka loo soo tahriibinayay Somaliya ee Taksiilayaasha Xamar ka noqday ma aheyn Talyaani kaliya waxaa ka mid ahaa Hindi iyo Carab, kuwii Xuriyadii kadib takaasida Xamar ku wadi jiray waxaan ka xasuustaa Mr. Gulan oo Hindi ahaa, Dalixi iyo yoogo oo Carab taksiilayaala ahaa iyo Mr. Burtulani oo ahaa talyaani laga soo kireysto Gaadiidka ” autoleggo” iyo Bambeelmi oo Garaashle ahaa.
Dadka loo soo tahriibinayay Somaliya ee Taksiilayaasha Xamar ka noqday ma aheyn Talyaani kaliya waxaa ka mid ahaa Hindi iyo Carab, kuwii Xuriyadii kadib takaasida Xamar ku wadi jiray waxaan ka xasuustaa Mr. Gulan oo Hindi ahaa, Dalixi iyo yoogo oo Carab taksiilayaala ahaa iyo Mr. Burtulani oo ahaa talyaani laga soo kireysto Gaadiidka ” autoleggo” iyo Bambeelmi oo Garaashle ahaa.
Yaanan kugu badini, Been badan ayaa laga qoray Somaliya, waxaase Nasiib wanaag ah in la heli karo Buugaagta ( Buchie Coloniali- Beentii isticmaarka” oo ay qoreen isla isticmaarkii oo sheegayo in taariikh been ah ay ka qoreen Somaliya ayna Runta kaa qariyeen, qorayaashaa Runta dib u qoray waxaa ka mid ahaa Alberto Alpozzi iyo kuwa kale. Fiiri Qoraaladda Googooska ah ee aan kuugu soo koobay hoos. ( F.S: 4-23aad)
Adiguba Xaqiiqda Taariikhda Dadkaaga iyo Dalkaaga Raadi, Been isticmaar kuu sheegay yeeynan kugu Qonfulnaane.
La soco Qeybta 4aad.
Qore: Yahya Amir
Advertisement