MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar waxaa soo baxaya sheegaya in Madaxweyne Xasan caawa fiidkii uu Madaxtooyada ku casuumay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka iyo aqalka sare.
Inkastoo wax faahfaahin aan wali laga helin waxa kulankaasi ka soo baxay ayaa hadana warar aan la xaqiijin waxay shegayaan in Madaxweynuhu xildhibaanada hor dhigayo codsi ah in kalfadhiga baarlamanka laba bilood oo dheeraad ah lagu daro madaama uu dhamaaday waqtia kalfadhigii hore.
Wararku waxay intaasi ku darayaan inuu sidoo kale madaxweynuhu wato qorshayaal aan wali dhab ahaanshahooda la xaqiijin kuwaasoo kala ah inuu madaxweynuhu doonayo in xildhibaanadu meel mariyaan mudo kororsi hal sano ah si looga gaaro doorashooyin qof iyo cod ah .
Sidoo kale waxaa la hadal hayaa inuu Madaxweynuhu doonayo in Xildhibaanadu labada bilood ay xooga ku saaraan meel marinta qorshayaashiisa doorashooyinka qof iyo cod iyo sidoo kale meel marinta ansixinta qodobadii dastuurka ee dhimanaa madaama qaar hore loo ansixiyay dastuur dhameystiran oo aan qabyo ahayn taasoo guul weyn u noqon karta Madaxweyne Xasan.
Kulankaan deg-dega ah ee Madaxweynuhu ku casuumay xildhibaanada ayaa ku soo aadaya xili wali muqdisho uu ka socdo shirkii Golaha wada-tashiga qaran kaasoo lagu wado in qodobada ka soo bixi doona ay ku jiri doonaan dhanka doorashooyinka qof iyo codka.
Si kastaba wixii faahfaahin laga helo wararkeena danbe ayaad kala socon doontaan insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM