Muqdisho, Arbaco, 07 Agoosto 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga shirka caalamiga ah ee COP 29, kaas oo bisha Nofeembar lagu qaban doono magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.
May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 7 people, table and daisMay be an image of 4 people and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 8 peopleMay be an image of 6 people and newsroomMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 5 people, dais and newsroom
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya ay ula tagi lahayd COP 29 barnaamijyo cadcad oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay dalkeenna, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha jira iyo caqadaha u baahan in wadajir wax looga qabto.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa kula dardaarmay wasaaradaha uu quseeyo shirka in ay la yimaadaan qorshayaal cadcad oo la taaban karo, isaga oo ku boorriyay in ay si wadajir ah u shaqeeyaan, si Soomaaliya ay uga faa’iidaysato fursadaha uu shirka COP 29 soo bandhigi doono.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hey’adaha caalamiga ah, si ay u hesho taageero ballaaran oo ku saabsan dadaallada lagu xallinayo isbedelka cimilada, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in shirka COP 29 uu yahay fursad qaali ah oo ay tahay in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysato, si xal loogu helo dhibaatooyinka ay dalkeenna ku yeelatay saameynta ka dhalatay isbeddelka cimilada adduunka.

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here