Ku-simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare BJFS ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiis 5-aad. oo ajandaha kulanka uu ahaa akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka Hay’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed.

Ugu horayn, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer ayaa Sanatarrada ka hor akhriyay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka Hay’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed oo ay toosin iyo sixidba ku sameeyeen qodobada qaar ee hindise sharciyeedka, intaas ka dib, senatorada Aqalka Sare waxay billaabeen dooddii iyo inay aragtidooda ka dhiibtaan qodobada uu ka kooban yahay Hindise sharciyeedku.

Intaas ka dib Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Saleebaan Sheekh Cumar oo marti u ahaa kulankan, wuxuu Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare uga mahad celiyay shaqada wanaagsan ee toosin iyo sixitaan ay ku sameeyeen Hindise sharciyeedka Hay’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed, isla markaana wuxuu mid mid uga jawaabay su’aalo kala duwan ooy Sanatarradu ay ka waydiiyeen Hindisesharciyeedka.

Ugu dambayn, Guddoomiye Cali Shacbaan oo kulanka soo xiray ayaa mar kale faray guddiga Maaliyadda Aqalka Sare in ay sharciga Hay’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed ay u soo diyaariyaan akhrinta saddexaad, iyagoo ku kaabaya talooyinka iyo aragtiyaha ay Sanatarradu ku soo jeediyeen kulankii maanta.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
May be an image of 1 person and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, headscarf and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 16 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here