Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulsha Dr. Ali Haji Adam Abubakar ayaa ka qayb galay kulanka 60aad ee Golaha Wasiiradda Carabta.

Kulanka oo ay kasoo qayb galaan Wasiiradda Wasaaradaha Caafimaadka ee Jaamacadda Carabta ayaa waxaa diiradda lagu saaraa iska waraysiga waxyaabaha kusoo kordhay hannaanada caafimaadka ee dalalka Jaamacadda Carabta.

Advertisement

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya uga qayb galaya kulan weynaha caafimaadka adduunka oo shir-doceedkan ka qayb galay ayaa khudbad uu jeediyay kaga warbixiyay dadaalka ay Wasaaraddu ugu jirto xoojinta nidaamka caafimaadka dalka.

Dhanka kale wuxuu Wasiirku ku adkeeyay wadamada ku midoobay ururkani in ay iska kaashadaan kordhinta dhakhaatiirta takhasusiga ah ee wadamadaan, si gaar ahna loo garab istaago wadamada ay Soomaaliya ka mid tahay sidii ay u heli lahaayeen deeqo waxbarasho oo la siiyo dhakhaatiirta takhasusiga ah.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here