Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa daah-furay shirka wadatashiga qiimaynta qaab dhismeedka sharci iyo kaabayaasha aqoonsiga dhijitaalka ah ee dalka.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaal, Agaasimeyaal ka tirsan Hay’adaha dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay (UNDP) iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Maareeyaha Hay’adda NIRA Cabdiweli Timacadde oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in muhiimadda shirkaan uu yahay horumarinta nidaamka Aqoonsiga qaranka, isaga oo bogaadiyay dadaalada hay’adaha Dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee taageeraya nidaamka aqoonsiga Soomaaliya.

Shirkan ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, iyadoo lagu soo bandhigi doono cilmi-baarisyo qoto dheer, talooyin iyo qorshayaal muhiim ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka aqoonsiga dhijitaalka ah.
May be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, people studying and textMay be an image of 8 people, table, lighting and daisMay be an image of 7 people, people studying, dais and textMay be an image of 4 people, people studying and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 4 people, people studying, dais and textMay be an image of 3 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here