Muqdisho Luulyo,17,2024: Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa Afaraad ,waxaana shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ee maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliyeed oo uu soo diyaariyay guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee Golaha Shacabka,

Advertisement

Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo dood kulul islamarkaana saacado qaadatay ka yeeshay hindise sharciyeedkan ayaa aad uga dooday qodobada hindise sharciyeedkan, muhiimada uu wadanka u leeyahay iyo sidoo kale hadii uu miisaaniyad leeyahay,waxaana kulanka ku sugnaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene.

Guddoomiyaha guddiga ganacsiga iyo warashadaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Sheekh Nuur Osman ayaa sheegay in hindise sharciyeedkan uu hore usoo maray akhrinta koowaad islamarkaana uu marayo akhrintiisa labaad ,wuxuuna dhanka kale sheegay inuu miisaaniyadiisa wato maadaamaa dooda xildhibaanadda ee maanta ay ku qotontay miisaaniyadda hindise sharciyeedkan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in xildhibaanada ay aad uga doodeen qodobada hindise sharciyeedkan.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay guddoonka golaha uu deg deg u magacaabi doono guddi kasoo shaqeyn doona doodii xildhibaanadda golaha shacabka kulankii kan ka horeeyay ka yeesheen dhismaha hay’adaha madaxa banaan ee aan miisaaniyadda lahayn,si ay warbixintooda goloha ugu soo celiyaan islamarkaana qaraar arintaasi ku saabsan goluhu soo saaro.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here