HomeWarkiiMaxaa looga hadlay kulanka maanta ee Golaha Wasiiradda?

Maxaa looga hadlay kulanka maanta ee Golaha Wasiiradda?

Golaha Wasiirrada XFS ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha, iyaga oo ka wada hadlay arrimaha Amniga dalka iyo ansixinta heshiisyo dalkeena la gaarey dalka Azerbajin.

Kulanka ayaa waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, waxaana warbixinno laga dhageystay wasaaradda amniga iyo difaaca.

Golaha ayaa meelmariyay meel-mariyey heshiis is-afgarad ku saabsan arrimaha Bartoolka iyo Gaaska oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyo Xeerka xarunta Shaqada ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Sidoo kale, Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaarrada Beeraha XFS ee Magacaabista Maareeyaha iyo Maareeye ku Xigeenka hey’adda sharciyeynta Adeegyada Baaritaanka iyo Beeraha Soomaaliyeed, oo loo kala magacaabay Cabdi Maxamed Xuseen iyo Liibaan Cabdi Xasan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -