Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddellka Cimilada JFS Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo qaar ka mid ah Khubarada Wasaaradda ayaa kulan la qaatay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson.

Kulanka waxaa lagu gorfeeyay xoojinta wadashaqeynta labada dhinac, Maalgelinta mashaariicda la xiriira horumarinta Deegaanka iyo isbadalka cimilada, la qabsiga iyo u adkeysiga dadka nugul.

Wasiir Bashiir iyo Marwo Kristina Svensson waxay isku raaceen dar-dargalinta Barnaamiyada horumarineed ee uu Bankiga Aduunka ka wado dalkeenna ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan CCDR iyo ka taageeridda Wasaaradda arrimaha la xiriira sharuucda, siyaasaddaha iyo tayaynta shaqaalaha Wasaaradda.May be an image of 4 people, people studying, newsroom and textMay be an image of 8 people, people studying, table and textMay be an image of 1 person and studyingMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people, people studying and textMay be an image of 1 person
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here