Inta la xaqiijiyay ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay israsaasayn deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho ku dhex martay ciidamo boolis militaaro ah iyo kuwo maamulka deegaanka, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaankaasi.
Guddoomiyaha deegaanka Jasiira ayaa sheegay in ay gurigiisa ku soo weerareen ciidamo uu waddo sargaal ka tirsan Boolis militaaro, islamarkaana ay ku amreen asaga iyo masuuliyiin la joogay inay joojiyaan howlihii ay halkaas ka wadeen, markii ay ka dhagaygeenna israsaasayni goobta ka billaabatay.
Israsaasaynta labada dhinac ayaa sababtay geerida wiil guddoomiyaha walaalkiis ahaa iyo mid kamida ilaaladiisu, wuxuuna guddoomiyaha deegaanka jasiira sheegay in ciidanka ay askarta asaga la joogtay shaqaaqadu dhex martay ay ku yiraahdeen badbaado qaran ayaa gurigan ku abaabulaysaa, iska hor-imaadka ka dibna gurigiisa burbur loo gaystay.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax war ah ka soo saarin shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Jasiira ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca, balse maamulka deegaanku wuxuu sheegay inuu caddaalad iyo isla xisaabtan ilaalinta sharcigu gundhig u tahay dalbanayo.
walaalkiis iyo askar il