=XIGASHO BBC SOMALIA=

Kenya

Maxkamad Kenya ku taalla ayaa dhowaan dib u furtay dhegeysiga kiiska Axmed Rashiid oo ahaa sarkaal ka tirsan booliisa Kenya kaasoo lagu eedeeyay in toddoba sano kahor uu maalin cad dilay labo wiil oo yaryar oo aan hubeysneyn.

Advertisement

Axmed ayaa muuqaal laga duubay isagoo tooganaya labada wiil iyagoo dhulka jiifa waddo mashquul badan oo ku taalla caasimadda Nairobi March 31, 2017.

Dhacdadan ayaa sababtay dibadbaxyo ka dhacay gudaha dalka, iyadoo booliiska Kenya mararka qaar lagu eedeeyo dilal aan sharci ahayn balse ay yar tahay in qof maxkamad loo soo taago.

Rashiid ayaa Arbacadii kasoo muuqday maxkamadda oo laga buuxay, iyadoo sidoo kale la hor keenay maxakamadda qof marqaati ahaa.

Maxkamadda ayaa sheegtay in weli ay socoto dhegeysiga kiiska. Ugu yaraan toddobo kale oo marqaati ah ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ka soo muuqdaan maxakamadda.

Qaraabada ugu yaraan 41 qof oo la rumeysan yahay inay dhibbane u yihiin eedeymaha loo heysto Axmed Rashiid ayaa joogay maxkamadda oo ku taalla deegaanka isku raranka Kibera.

‘Kiiskii tobanka sano’

Kenya

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa aalaaba booliiska Kenya ku eedeeya inay awood xooggan adeegsadaan ayna dilal sharci darro ah fuliyaan, gaar ahaanna deegaannada ay dadka saboolka ah deggan yihiin.

Waxaa sidoo kale lagu eedeyn jiray inay beegsadaan dadka xuquuqda aadanaha ka shaqeeya iyo qareennada baaraya tacaddiyada la sheegay inay booliiska geystaan.

Waxaa jiray oo keliya kiisas yar oo saraakiil booliis oo loo soo qabtay inay geysteen dilal.

Tan ayaa imaaneysa iyadoo baarlamaanka Kenya ay sanadkii 2011 aasaaseen Waaxda Caalamiga ah ee Korjoogteynta Booliiska (IPOA) si shacabka looga difaaco waaxdan awoodda badan. Hase yeeshee, waaxdan ayaa qudheeda lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa aad u difaacay wax qabadka IPOA, iyagoo sheegay in booliisku ay aalaaba hagar-daaciyaan baaritaannada ayna diidaan inay waaxda la shaqeeyaan.

Kenya

Kiiska Axmed Rashiid “wuxuu jebin doonaa dhaqanka waxaana rajeyneynaa inuu rikoor cusub ka sameyn doono isla xisaabtanka qalalaasaha booliiska”, ayuu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay agaasimaha Amnesty International ee Kenya Irungu Houghton.

“Kan wuxuu noqonayaa kiiska tobanka sano marka la eego sida uu cakiran yahay,” ayuu sheegay, isagoo kala jeeday booliiska maxkamadda loo horkeenayo kiisas ayaga ka dhan ah.

Ugu yaraan 118 qof ayaa sanadkii lasoo dhaafay u dhintay dilalka dharci darrada ah ee ay booliisku geysteen, sida ay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee gudaha iyo kuwo caalami ah ku sheegeen warbixin ay soo saareen bishii April.

Sida laga soo xigtay Missing Voices, oo ah koox u kuur gasha dilalka sharci darrada ah ee Kenya ka dhaca, waxaa jiray ugu yaraan 1,350 dhimasho oo booliiska gacantooda ku dhintay iyo 350 qof oo la waayay tan iyo markii ay xog-ururinta bilaabeen sanadkii 2017.

Dhanka kale, qeyb kamid ah shacabka ku nool xaafadda Islii ee magaalada Naiorbi ayaa ku ammaanay Axmed Rashiid inuu si wanaagsan wax uga qabtay amni darrada jirtay, gaar ahaan xilliyada habeenka.

Waxa ay ku doodeen in baacsiga kooxda Super Power uu horseeday inay yaraadaan weerarrada ay fulin jireen dhallinyaradaas u badan Soomaalida ee adeegsada toorida iyo hubka kale.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha, gaar ahaan Amnesty International ayaa warbixinno hore oo ay qoreen ku sheegay in Kenya ay ku badan yihiin dilalka sharciga ka baxsan ee ay geystaan laamaha amniga.

Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Ruto ayaa wacad ku martay inay wax ka qaban doonto arrinkaas, waxaana bishii October ay dowladda kala dirtay unug loo yaqaanay Special Services Unit oo lagu eedeeyay inay dileen dad shacab ah oo ay kamid yihiin laba muwaadin oo u dhashay Hindiya.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here