Waxaa maanta xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa ka dhacay kulanka labaad ee aan caadi ahayn ee Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulankan oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa looga dooday ajendaha fadhiyada todobaadka labaad ee kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu lafa-guray shuruucda horumarinta ee u leh Golaha, iyadoo xubnaha Guddiga Joogtada ay ka doodeen Xildhibaanada fasax la’aanta ka maqan fadhiyada Golaha.
Intii uu socday kulankan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu xubnaha Guddiga Joogtada warbixin ka siiyay shaqooyinka Golaha laga soo bilaabo kalfadhigii koowaad iyo waxyaabihii u qabsoomay.
Kulankan waxaa Guddoomiyaha ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Kulamada Guddiga Joogtada ayaa inta badan lagu ajendeeya fadhiyada Golaha, kuwaas oo dhawaan ka dhacay buuq iyo dooddo adag oo la xiriira xiisadda Jubbaland, taasoo haatan ay si weyn isku hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shalay ayaa Golaha Shacabka soo gaba-gabeeyay dood la xiriirtay soo jeedinta Xildhibaanada ka tirsan Golaha, taasoo ku saabsaneyd ilaalinta xasaanadda iyo safarrada Xildhibaanada, kadib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada ay Dowladda Federaalka ka hor istaagtay safaro ay ku aadi lahaayeen Jubbaland.