Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) Ahmed Mo’allim ayaa marar badan lagu eedeeyay musuq maasuq iyo maamul xumo ka dhex jira hay’adda. Hay’adda Duulista Rayidka, oo mas’uul ka ah maamulka iyo habsami u socodka howlaha duulista hawada Soomaaliya, waxay ka mid tahay hay’adaha muhiimka ah ee dalka.
Maareeye Axmed Mo’allim, oo horey u soo noqday Maareeye ku xiigeenka ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed, ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay falal musuqmaasuq ah oo ku saameeyay shaqaalaha hay’adda iyo mashaaricda kala duwan ee hay’adda loogu tala galay.
Eedeymaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ah:
Lunsashada Hantida Dadweynaha: Waxaa lagu eedeeyay inuu si shakhsi ah u isticmaalay dhaqaalaha loogu talagalay horumarinta hay’adda.
Shaqo Ka Fariisin Sharci Daro ah: Shaqaalaha qaarkood ayaa la sheegay in si aan habboonayn shaqada looga eryay, iyadoo aan la raacin habraacyada sharciga ah islamarkaasne oo shaqaalaha qaar uu ka jartay mushaarka ay ka qaataan hay’adda taas oo la haayo cadeymo rasmi ah.
Sidoo kale wuxu ka dhaqmay Eex iyo Qaraabo Kiil Waxaa lagu eedeeyay inuu shaqooyin muhiim ah u magacaabay dad aan u qalmin oo qaraabo la ah ama saaxiibo dhow la ah, taasoo dhaawacday hufnaanta hay’adda walina aan lagala xisaabtamin maadama xukuumada xamza aya baaritaan ku sameesay iyadoo wali uu socoda baarista.
Haddabab eedeymahan ayaa horseeday in baaritaanno lagu sameeyo maamulka hay’adda, iyadoo la doonayo in la xaqiijiyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka shaqada hay’adda waana arrin laga naxo in qof shaqsi ah ku tunto sharaf dowladnimada asigoo huwan shaati qabiil.
Si kastaba ha ahaatee, warbixinada qaar ayaa tilmaamaya in xilka laga qaadi doono Maareeye Axmed Mo’allim, laguna beddelay qof qaraabo la ah Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
inakstoo wali xusid mudan tahay in eedeymahan ay weli yihiin kuwo baaritaan ku jira, islamarkaana aan weli si rasmi ah loogu caddeyn maxkamadda anago la socona mudo sanad ka hor in warqad laga dhigay garoonka diyaaradaha aadan cadde si uusan uga duulin maadam lagu haystay dhacdo xiligaas taagneyd.
Eedeymaha musuq maasuq waxay inta badan ka yimaadaan shaqaalaha hay’adda, ganacsatada ku xiran adeegyada duulista, iyo qaar ka mid ah baarlamaanka federaalka Soomaaliya Waxaa lagu eedeeyaa in lagu takri falay dhaqaalaha hay’adda, si aan sharci ahayn loogu maamulo qandaraasyada, iyo in shaqooyinka lagu bixiyo eexasho iyo qaraabo kiil.
Maareeyaha hay’adda weli kama jawaabin si rasmi ah eedeymahan, balse waxay soo jeediyeen in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo arrimahaas si loo xaqiijiyo in hay’addu si cadaalad ah u shaqeyso.
ugu danbeyn dowladda federaalka ayaa sidoo kale looga baahan yahay inay hubiso in hay’adaha dowladdu si hufan u shaqeeyaan, si looga fogaado musuqmaasuqa, loona ilaaliyo kalsoonida shacabka maadama hay’adda duulista tahay sawirka guud ee qarinimada waddankeyna Soomaaliya.
kala soco halkaan wixi kuso kordha warbixintaan.