HomeWarkiiMaxaa kala qabsaday xalay Macawisley iyo Alshabaab isku helay deegaan hoos taga...

Maxaa kala qabsaday xalay Macawisley iyo Alshabaab isku helay deegaan hoos taga Sh.dhexe.

MASAAJID CALI-GUDUUD (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in xalay saq dhexe ay is fara saareen ciidamo ka kala tirsan macawisleyda Gobolkaaasi iyo kooxda Alshabaab.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii macawisleyda ay weerar dhaba-gal ah ku qaadeen koox Alshabaab ka tirsan oo mareysay Deegaanka Xaar-Xaar gaar ahaan inta u dhexeysa xagarey io bur-dacaar  ooo hoos taga Degmada Masaajid Cali-gaduud.

Kooxda Alshabaab ee wadada loo galay waxay wateen gaadiid dagaal waxayna ku jireen is urursi sida ay sheegeen saraakiisha macawisleyda ka hor inta aysan dagaalka ku qaadin.

Dagaal culus ayaa labada dhionac dhex-maray waxayna saraakiisha Macawisleyda saxaafada u sheegeen inay weerarkooda ku laayeen qaar ka mida Alshabaabka inkastoo aysan tira sugan soo gud-bin.

Alshabaab iyo Dowlada oo kaashaneysa macawisleyda ayaa si weyn isugu haya gacan ku heynta deegaanada Gobolka Shabeelaha dhexe xili guud ahaan degmooyinka ay Dowladu maamusho.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -