Maxaa kala qabsaday Alshabaab Saaka soo weeraray deegaanka Diif iyo Ciidamada Jubaland

May be an image of 1 person and jeepDIIF (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay saaka duulaan qorsheysan ku qaadeen deegaanka Diif ee gobolka Jubada Hoose maamulka Jubaland.
Warar ku dhaw dhaw dhanka Maamulka Jubaland ayaa durba lagu shaaciyay in weerarka Alshabaab laga hortagay islamarkaana lagu jabiyay markii ciidamada Jubaland heleen xogta weerarka Alshabaab.
Ciidanka Jubaland ayaa la soo sheegayaa markii ay ogaadeen weerarka ku soo wajahan Diif ay Alshabaab kaga hortageen dhexda ka hor inta aysan soo gaarin bartilmaameedkooda.
Dhanka kale kooxda Alshabaab ayaa sidan oo kale waxay saakana weerareen deegaanada Caanoole iyo Sabiib ee Gobolka Shabeelaha hoose halkaasoo ay isku fara saareen ciidamada Xoogga Dalka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here