AL-KOWSAR (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa macawislleyda Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa la soo sheegayaa inay fuliyeen Howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Alshabaab u soo baxay biya dhaamis kuwaasoo watay gaadiid iyo hub intaba.
War ka soo baxay dhanka Dowlada ayaa lagu faah-faahiyay howlgalkaasi xili Dowladu heshay xogta Alshabaabkaasi oo biya la’aan daran ay heysay.
Dagaalamayaasha Alshabaab oo rabay inay biya ka dhaansadaan ceel-biyood ku yaal deegaanka Ceelka-Nuurgadow oo hoostaga degmada Al-Kowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa weerar aysan fileyn ku ekeeyay ciidamada Dowlada iyo macawisleyda.
Dowlada ayaa sheegtay inay weerarkaani ku laayeen dhamaan maleeshiyaadkii kooxda Alshabaab,sidoo kalana ay gubeen gaadiidkii ay biyaha ku qaadi rabeen.
Dhanka kale ma jiraan warar madax banaan oo laga helay howlgalkaani Dowladu guusha ka sheegatay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM