ISLAMABAD (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Islamabad ee xarunta Dalka Pakistan ayaa sheegaya inay jiraan rabshado ay wadaan shacabka Dalkaasi kuwaasoo taageerayaal u ah Ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan.

Waqtiyadii u dambeeyay Dowlada ayaa danbiyo ku soo oogtay islamarkaana xabsi dhigtay Imran Khan taasina waa mida keentay rabshadaha ay sameynayaan isu soo baxayaasha.

Advertisement

Banaan baxayaasha ayaa shalay xoog ku galay Magaalada Talaadadii iyada oo ay jiraan iskahorimaadyo lagu hoobtay xili shacabku ka xun yihiin xabsiga lagu hayo Imran Khan.

Ciidamada amaanka Pakistan ayaa magaalada Islamabad ee caasimada Pakistan ka kaxeeyay taageerayaasha ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan, kadib howlgalo balaaran oo xalay sameeyaan.

Mas’uuliyiinta ayaa dib u furay waddooyinka isku xira magaalada iyo dalka intiisa kale, iyagoo soo afjaraya shaqo joojin afar maalmood ah, wasiirka arrimaha gudaha Mohsin Naqvi ayaa Arbacadaan sheegay,in caasimadda la sifeeyay.

Ciidamada amaanka ayaa xabsiga dhigay boqollaal dibad baxayaasha ah intii uu socday howlgalka, waxaana laga raacdeeyay  bartamaha magaalada kumanaan kun oo isugu soo baxay si loo sii daayo Imran Khan iyagoo cod dheer ku sheegay in eedeymaha loo haysto ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed.

isu soo baxayaasha ayaa Dowlada ku cadaadinaya inay xabsiga ka sii daayaan Imran Khan  oo ah Ra’iisulwasaarihii hore ee Dalka Pakistaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMImran Khan supporters breach lockdown in Pakistani capital

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here