Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa guddoomiyey shirka dardargelinta nidaamka danabaysan online-ka ee dacwadaha.

Shirkan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed, guddoomiyeyaasha Maxkamadaha degmooyinka gobolka iyo sido kale Garsooreyaal, ayada oo ujeedka kulanka uu ahaa sidii loo dardargalin lahaa nidaamka danabeysan ee dacwadaha.

Inta uu kulanka socday ayaa lagu soo bandhigay warbixin ka hadleysay sidii loogu shaqeyay nidaamkaan sannadkii tagay iyo sido kale xogta lagu keydiyay, waxaa sido kale lasoo bandhigay sida uu ahmiyad gaar ah ugu leeyahay nidaamkaan Maxkamadaha iyo Maamulka dacwadaha taasoo sahleysa in si sahlan loola socdo jadwaleynta dacwadaha, keydinta xogta dacwadaha iyo Ilaalinta xogaha ammaan ahaan.
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 11 people, people performing martial arts and daisMay be an image of 2 people and people studying
May be an image of 5 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here