Waa kuwan waxa aad ogtahay inaad u baahan tahay inaad ka ogaato xaaladda hadda jirta ee xarunta caafimaadka, taasoo halbowle u ah nolosha falastiiniyiinta ee waqooyiga go’doonsan:
Ciidamada Israa’iil ayaa dab qabadsiiyay dhismaha isbitaalka, iyagoo si qasab ah uga saaray bukaannada iyo shaqaalaha.
Ilo dhanka caafimaadka ah ayaa Aljazeera u sheegay in dhowr ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ay ku dhinteen dabka.
Ciidamada Israel ayaa dalbanaya in dadka degan guryaha ku hareeraysan cisbitaalka Kamaal Adwaan ay ka guuraan, haddii kale la burburin doono dhismayaasha.
Ku dhawaad 30 qof oo barakacayaal ah ayaa soo gaaray cisbitaalka Indooniisiya iyagoo ka yimid cisbitaalka Kamaal Adwaan iyadoo ay qabaan dhibaatooyin caafimaad oo aad u daran.
Ku-xigeenka Isku-duwaha Caafimaadka ee Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn ee Gaza ayaa Aljazeera u sheegay in ay jirto “bartilmaameed nidaamsan” oo cisbitaallada ay ciidamada Israa’iil ku hayaan marinka Qaza, waxaana gabi ahaanba hawada ka maqan isgaadhsiinta cisbitaallada ku yaalla waqooyiga Qaza.
Ciidamada Israa’iil ayaa ku qasbay maxaabiistii ku jirtay isbitaalka in ay iska bixiyaan dharkii ay wateen, waxaana ay geeyeen meel aan la garanayn.
Osama Xamdaan oo ah sarkaal ka tirsan ururka Xamaas ayaa Aljazeera u sheegay in beegsiga Cisbitaalka Kamaal Adwaan uu yahay fulinta waxa loogu yeero ‘Qorshaha Guud’ ee looga golleeyahay in lagaga hortago wax kasta oo iska caabin shacab ah.