Siyaasiga Cali Yare Cali oo soo noqday Gudoomiye ku xigeenkii 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sawir naxdin leh ka bixiyay shirka maanta Turkigu dhex dhexaadinayo ee u dhaxeeya Somalia iyo Itoobiya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu ku nuux nuuxsaday in Xasan Sheekh doonayo inuu Wasiir Fiqi ku qasbo inuu saxiixo heshiis Itoobiya lagu siinayo Badda Somalia.
Advertisement
hadaba qoraalka Cali Yare ayaa sidan u qornaa:-
Ankara ayaa la iskugu tagay. Waxeey u badantahay inuu maanta Xasan Shiikh bixin doono baddii iyo biyihii soomaaliyeed ee xabashidu ku soo duushay.
Tan waa qayaano qaran iyo fadeexo horleh.
Halka ammaan ee uu Xasan lahaa waxeey aheyd sidii nafti-hurnimada laheyd ee uu qadiyadda badda u difaacay iyadiina maanta ayuu dhiibayaa sida xogtu sheegeeyso.
Xasan waxaa lagu qanciyay in la siiyay qandaraaska dhismaha dekadda xabashidu dhisan doonto, oo ay dowladda Imaaraadka bixineeyso qarashka ku baxaya wuxuuna u wakiishay nin soomaali wada garaneeyso.
Gef labaad oo gobollada Waqooyi laga galay ayay tani noqoneeysaa.
Xasan wuxuu ka fekerayaa inuu Fiqi ku qasbo inuu heshiiska saxiixo waloow Fiqi uu aad u xasuusanyahay fadeexadii Abdirahman Abdishakur ka qabsatay heshiiskii Badda.
Waxaan Fiqi kula talin lahaa inuu is casilo intuu uu heshiiskaas gacantiisa ku saxiixi lahaa.
Ummada Soomaaliyeed dhegtaadu ha taagnaato maanta.
FG: hab qoraalkaasi wixii amaan ama dhaliil ah waxay gar u tahay siyaasiga Cali Yarre Cali
Advertisement