Maxaa maalmahaan ka khaldan Golaha wasiiradda?

1. Go’aanada ay soo saaraan waxaa ka muuqdo waxyaabo ka hor imaanaa isla sharciga Dalka iyo rabitaanka shacabka, waa dhab in Goluhu ay raadinayaan wanaag, qodobadda qaarna ay yihiin wax ku ool muhim ah, laakin ma ahan in si laab la kac ah loogu fududaado.

Advertisement

Shirkii ugu dambeeyay, waxaa ka muuqday. Iyada oo hore Dowladda dhexe ay u qaadatay inta badan Dakhligii Gobalka Banadir ayeey haddana bilaawaday tilaabooyin kale oo looga dan leeyahay in Awoodii Maamulka Gobalka iyo maamul u sameeyntiisa looga hor tago.
Caalamka intiisa badan iyo soo jireenka Maamul ee Somaliya Dowladda hoose ma hoos tagto wasaardda Maaliyadda.
sida Dadka qaar ay u maleeyaan Xatta Bangiga dhexe ma hoos tago Wasaaradda maaliyadda ee waxaa ka dhexeeyo wada shaqeeyn kaliya sida sharcigu qabo.
Tusaale Go’aankii golaha wasiirada waxaa lagu faragaliyay hayadda Faya dhowrka, in la faragaliyo ma xumo, laakin waxaa baabi karo dowladda hoose oo kaliya. Hanti dhowrka Qaranku Awood gaar ah uma lahan Dowladda hoose iyada ayaa leh Hanti dhowr u gaar ah. Dhaqaalaheeda iyadaa sharcigu u ogolyahay in ay qorsheeysato.

2. Isla go’aanadaa dambe waxaa la siinay Awood aan sharcigu ogoleeyn wasiirka maaliyadda oo kaliya. Haddii aad fiiriso go’aanka halkii la dhihi lahaa waxaa awood u leh wasaaradda maaliyadda, waa la shakhsiyeeyay waxaana la yiri: Wasiirka maaliyidda ayaa Awood u leh. Taasi oo u muuqato in Awood masuuliyada looga qaadayo Maddaxda kale ee wasaaradda iyo wasaarada kale ee Dowladda oo masuuliyadda la wadaago. Go’aankaa oo u muuqdo Adiga ayaan shakhsi ahaan kugu kalsoonahay ee kuma kalsooni sharciga ee aan kuu xalaaleeyee, Adiguna sida aan rabo iigu soo adeeg.

Sida sharcigu qabo, Dowladda dhexe iyo Dowladda Hoose mid waliba waxa ay leedahay Calan iyo Astaan u gaar ah. ( F.S:1-4aad)

FG : wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here