MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa aad loo faafiyay warbaahin iyo baraha bulshadaba inta inuu warqad is casilaad ah gudbiyay Taliyaha Ciidamada Xoogga Taliye Odowaa Yuusuf Raage islamarkaana uu Madaxweynuhu ka diiday.
Guud ahaan jiritaanka warkaan ayaa been ah sida aan xogta ku helnay balse waxaa jira arimo kale oo la isku hayo sida in hogaanada hoose ee hogaaminta ciidamada Xooga dalka la badalo.
Sidoo kale waxaa jira hadal heyn kale oo xooggan iyana taasoo ah in Cali Jeyte xil looga magacaabi rabo hogaanka ciidamada inkastoo aan la sheegin xilkaasi nuucuu yahay.
Sdoo kale waxaa sidoo kale la faafiyay wararka sheegaya in madaxweynaha loo jeediyay inuu Mahad Salaad soo celiyo balse waxaa xogaha hoose sheegayaan inuu warkaasi jiro balse uu si cad u diiday madaxweyne Xassan oo muujiyay inuu ku kalsoon yahay Taliye Sambaloolshe iyo shaqada uu ka hayo sirdoonka qaranka.
Guud ahaan wararkaani maanta ilaa caawa noqday kuwo ugu badan ee la hadal hayo hadana badankood beenta ah waxaa keenay shirka madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliye odowaa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM