MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya inay wali dhamaan qorshaha isku shaandhetynta Golaha wasiirada xili shalay sedex wasiir la isu badalay kuwaasoo kala hayay xilalka wasaarada gaashandhiga,Wasaarada arimaha dibada iyo Ra’iisulwasaare xigeenka 2-aad.
Wararka aan hada soo baxaya waxay sheegayaan in laba wasiir oo madaxweynaha Xassan aad ugu dhaw iyaga la isku badalayo saacadaha soo socda kuwaasoo kala ah Wasiiru Dowladaha arimaha dibada Cali Balcad iyo Abshir Bukhaari oo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.
Cali Balcad ayaa lagu wadaa in loo dhiibo wasiiru Dowlaha Madaxtooyada halka abshir Bukhaari loo wado Wasiiru Dowlaha arimaha dibada xili labada masuulba ay yihiin gacan yarayaasha Madaxweyne Xassan.
Talaabada labadaan wasiir uu iskugu badalayo lama oga inay raaci doonaan wasiiro kale oo sidaas oo kale la isku badalayo, laakiin asbuucyadaan waxaa macquul ah in la dhameystiro isku shaandheynta inta ka dhiman.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM