NAIROBI (DAYNIILER.COM)-Sida uu baraha bulshada ku soo qorey Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame waxaa Nairobi ka socda kulamo looga hadlayo xal u helida khilaafka u dhexeeya Dowlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Jubaland.
Shirkaan oo uu ka qeybgalayo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi-Barre ayaa waxaa kala qeybgalay saraakiil ka tirsan amniga qaranka Kenya, sirdoon, milateri iyo diblomaasiyiin sida uu sheegay C/raxmaan C/shukuur Warsame.
“Labada dowladood ee deriska inala ah waxay fahamsan yihiin in madaxda Soomaalidu ay shakhsigooda kaga kalsoon badan yihiin hay’adaha dowladda, in aysan lahayn istiraatiijiyad, taaktiko iyo xirfad wadahadal,Waxay kaloo ogyihiin in dulqaadku ku yaryahay, doonayaana in degdeg ugu aarsadaan goobtii ay dibibtu kula dhacday.” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame
Sidoo kale Xildhibaanka wuxuu sheegay in shisheeyuhu
ogyihiin ama aqrinayaan in waxa wadaahi ay yihiin damac shakhsi ah, dan gaaban iyo aargoosi siyaasadeed oo maalmo gudahood is beddelaya.
Ugu dambeyna C/raxmaan C/shukuur Warsame wuxuu xusay in wadahadalada socda ku soo dhamaan doonaan Soomaaliyey heshiiya oo aan idin wada hadashiino.
XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement