MUQDIDHSO (DAYNIILE.COM)-Sida uu warbaahinta iyo baraha bulshada ka sheegay Gudoomiyaha Golaha Bad baado Bulsho Nabadoon Abaabul Mucaaradnimada Sanator C/qeybdiid ayaa salka ku heysa dano shaqsi uu madaxda Dowlada ka lahaa balse uu waayay.
Nabadoon Abaabul oo ka hadlayay hadaladii dhawaan uu C/qeybdid ku weeraray Madaxda sare ee Dowlada ayuu daboolka ka qaaday inuu jiro hal sabab oo talaabadaasi ku xambaartay C/qeybiid.
Halka talaabo ayuu ku sheegay inay tahay in C/qeybiid dhawaan loo diiday in wiil uu dhalay loo magacaabo maareeyaha Dekada Muqdisho.
“Odeyga waxaan la socdaa in dhawaan loo diiday wiil uu dhalay in dekada loo dhiibo,madaama maareeyaha hada xilka haya uusan lahayn sabab hada loo badelo oo shaqadiisa aysan ceeb lahan”ayuu yiri Nabadoon Abuul
Naboodnka wuxuu sidoo kale sheegay in C/qeybdiid lagu yaqaan sidiisaba markasta oo Dowladi waqtigiida sii dhamaanayo inuu mucaarado.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM