MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in markab hub sida uu maanta ku soo xirtay Dekada Magaalada Muqdisho.

Markabkaan ayaa la sheegay in laga leeyahay Dalka Masar oo dhawaan sidaan oo kale markab hub soo gaarsiisay Somalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Advertisement

Markabkaan ayaa noqonaya kii labaad oo mudo laba bil gudahood Masar u soo dirto Dowlada Somalia kaasoo sida hub ,rasaas iyo gaadiidka gaashaaman.

Wararka aan wali la xaqiijin waxay sidoo kale sheegayaan in wadooyinka Muqdisho beritp loo xanibi doono markabkaasi oo hubka laga dejin doono xili caawaba wadooyinka qaar la sii xiray inkastoo wararkaasi Dowladu xaqiijin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here