MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu Dekada Magaalada Muqdisho uu ku soo xiranayaan Markaakiib xamuul kuwaasoo hub u sida Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in labada Markab midka hore uu caawa soo xiranayo kaasoo laga soo direy dalka Masar , waxaa lagu wadaa in amniga aad loo adkeeyo xili shaqaalihii dekada maanta la fasaxay islamarkaana uu dhaq dhaqaaq ka bilowday Dekada.

Advertisement

Ciidamada Nabad sugida iyo kuwa madaxtooyada ayaa la sheegay inay amniga kala wareegeen kuwii Booliiska ee hore ugu sugnaa dekada Magaalada Muqdisho.

Lama yaqaan nuuca hubka ee la sheegayo inay Dowlada Somalia ka heshay Dalka walaalaha aan nahay ee Masar madaama xaalad dagaal uu dalku ku jiro xiligaan marka la eego daan-daansiga Itoobiya ka imaanaya.

Warar kale ayaa sheegaya in maraakiibtu midka Masar maahee midka kale laga soo direy Dalka Turkey waxaana la sheegay inuusan hub siday balse arimo kale uu u yimid Magaalada Muqdisho sida fulinta heshiiskii Somalia iyo Turkey ee dhanka shidaal soo saarista ahaa.

Guud ahaan wararka la xiriira markabka Masar ee hubka sida iyo Turkey midkoodna war saxa oo la hubo lagama hayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here