MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa baraha bulshada qabsaday warqad uu ku saxiixan yahay Madaxwenaha Soomaaliya kaasoo magacii looga badalay xerada Jen.Gordan iyadoo lagu badalay sarkaal u dhashay dalka imaaraadka.

Hadal heynta ayaa ka dhalatay sababta nin ajanib ah loogu badalay sarkaal Soomaaliyeed oo hore u dhintay.

Advertisement

Wararka ayaa intaasi ku daray in Xasan Sheekh amray in magacii laga tirey xerada islamarkana lagu badalay Col.Maxamed Mubarak Al-mansori.

Soomaalida ayaa fal celin xooggan ka bixiyeen iyagoo muujiyay sida ay uga xun yihiin in magaca sarkaal Soomaaliyeed  oo hadana dhintay magaciisa laga badalay xerada ciidamada Gen. Gordan iyadoo lagu badalay sarkaal ajanabi ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

May be an image of ticket stub and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here