RAASKAN-BOONI (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Maamulka Jubaland uu maanta isgaarsiinta ka jaray Magaalada Raas kan-booni ee Gobolka Jubada hoose halkaasoo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada Milateriga Soomaaliya xili Dowladu khilaaf weyn kala dhexeeyo Maamulka Jubaland.
Inkastoo Dowlada iyo Maamulka Jubaland aysan si rasmi ah uga hadlin hadana waxay sii kordhineysaa khilaakii labada dhinac u hexeeyay kaasoo ku sii dhawaanaya in gacan ka hadal uu dhaco.
Isgaarsiinta laga jaray magaalada Raaskambooni ayaa ka dhigeysa in ciidanka Dowlada Somalia ee halkaasi ku sugan aysan wax xiriir ah la lahayn saraakiisha ciidamada Dowlada ee Muqdisho ku sugan ama dalka intiisa kalaba.
Sidoo kale isgaarsiin la jaro badanaa waxa lagu yaqaan in la adeegsado marka ciidan uu rabo inuu duulaan ku qaado meel bartilmaameedkiisa ah walow hadana aan cidna war u hayn waxa ka socda halkaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement