BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Saraakiil ka socotay Dowlada Itoobiya ayaa la sheegay inay Baydhabo kula kulmeen Madaxweynaha Maamulka Koofur-Galbeed c/casiis Xassan Maxamed Lafta-gareen.
Wararka ayaa tilmaamaga innKaftaga-gareen Itoojiya kala hadlay arimo ku saabsan amniga iyo howlgalka Midowga Afrika ee Somalia ka howlgala oo isbadal.
C/casiis Lafta-gareen ayaa la soo sheegayaa inuu Itoobiyaanka kula heshiiyay in ciidamadooda sii joogaan Somalia islamarkaana ay ka sii howlgalaan deegaanada Koofur-galbeed.
Talaabadaan ayaa ku soo aadeysa xili Dowlada Somalia ay hore shuruud ugu xirtay in Itoobiyaanku qeyb ka sii ahaadaan howlgalka cusub ee Midowga Africa kaasoo loogu magac daray AUSSOM taasoo ah inay cadeeyaan inay ka laabteen heshiiskii is af-garadka ahaa ee ay la galeen Maamula Somaliland.
Heshiska Lafta-gareen la galay Saraakiisha Itoobiya waxaa ku jira in guud ahaan deegaanada Koofur-galbeed aysan ka howlgeli karin ciidamo aan ahayn kuwa Itòobiya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM