KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirka Golaha wada-tashiga qaran dhawaan lagu qabanayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamuk Goboleedka Soomaaliyeed ee Kismaayo.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Dowladu shaacin doono waqtiga uu furmayo shirkaasi markaasoo madaxda Dowlada iyo Dowlad Goboleedyada ay u wada safri doonaan Kismaayo.

Shirkaan oo qorshuhu ahaa inuu Muqdisho ka qabsoobo dhamaadka bishii hore ayaa u baaqday cudur daaryo madaxda maamulada qaarkood ka timid sida Madaxxweyne Axmed Madoobe oo ku mashquulsanaa dagaaladii Buulo-xaaji iyo nawaaxigeeda ka socday.
Shirkaan waxaa lagu wadaa inuu aad uga adkaado kuwii hore madaama Dowlada iyo maamuladu wali isku hayaan waqtiga qabsoomida doorashooyinka madaxweynaha Maamul Goboleedyada iyo qaabka doorasshada iyadoo Dowlada laftigeedu rabto inay sida ay rabto wax u dhacaan halka maamuladuna diidan yihiin.
Madaxweyne Xasan oo wata qorshaha doorashooyinka qof iyo cod taasoo la rumeysan yahay inay adkaan doonto madaama dalku guud ahaan amni ahayn islamarkaana Dowladu maamulin dalkoo dhan.
Qorshaha Maamulada ayaa ah inay iyagu qabsadaan doorashooyinkooda islamarkaana ay Dowladu aqbasho rabitaankooda halka Dowladuna rabto inay isku xirto doorashooyinka si waxoogaa waqti kororsi iyo mar marsiyooyin u hesho, taasoo ay ku gaari karto marka maamuladu u hogaansamaan Dowlada kuna taageeraan rabitaankeeda.
Dhanka kale Waxaa la ogeyn sida ay Galmudug iyo Koonfur Galbeed uga soo qeybgeli karaan shirka wada-tashiga qaran iyagoo qaadacay shirkii Culumada ee dhawaan Muqdisho ku qabsoomay kadib xurguf soo kala dhex gashay iyaga Dowlada Somalia .
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here