Waxaa soo baxaya warar aan quxaneyn oo sheegaya in Dowlada Faderaalka Soomaaliya ay bilowdo inay ka caga jiido ama ka gaabiso taageeradii markii ay hore ay u muujisay Xildhibaanad Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo u sharaxan xilka guddoomiyaha Midowga Afrika.

Wararka aan fiicneyn ee soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladu qarka u saaran tahay inay u deyriso Siyaasiyada Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan  oo taariikh fiican ku leh diblomaasiyada madaama ay soo noqotay ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Advertisement

Kursigaan ay u sharaxan tahay Foziyo waxaa hada ku fadhiya  Ra’iisul wasaarihii hore ee waddanka Chad oo ku yaal waqooyiga iyo bartamaha Afrika balse doorashadaan danbe waxaa loo rabaa masuul ka soo jeeda bariga Afrika.

Musharixiinta hada  ugu cad cad waxay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia ,Kenya iyo Jabuuti waxayna kala yihiin Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan,Raila Odinka iyo Maxamuud Cali.

Arinta xusida mudan ayaa ah in Dowlada Kenya gaar haan Madaxweynahooda Ruto uu xusul duub ugu jira sidii Dowlada Somalia ay uga laaban lahayd musharaxnimada Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan si Raila Odinga aan loogu cariirin balse lama oga in Dowlada Somalia aqbali doonto rabitaanka Kenya.

Hore waxaa loo ogaa in Dowlada Somalia uga tanaasushay   musharaxeeda tartankii madaxweynaha baarlamaanka adduunka kadib codsiga Dowlada Tanzania markii Somali loo balan qaaday in laga taageeri doono sidii ay ugu biiri lahayd Ururka dhaqaalaha ee bariga Afrika hadana cabsida ugu weyn ayaa ah in Dowlada Somalia hadana lagu beer laxowsado in laga caawiyo sidii ay ku heli lahayd kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taasoo Dowladu baadi goob ugu jirto.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Fawzia Yusuf Adam - Wikipedia

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here